WARARKA

Madaxweyne Xasan Sheekh Iyo Dhiggiisa Rwanda Paul Kagame Oo Yeeshay Kulan Muhiim ah
WARARKA

Madaxweyne Xasan Sheekh Iyo Dhiggiisa Rwanda Paul Kagame Oo Yeeshay Kulan Muhiim ah

Kigali, Aug12, 2024; Madaxweyne Xasan Sheekh Iyo Dhiggiisa Rwanda Paul Kagame Oo Yeeshay Kulan Muhiim ah Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan miro-dhal ah la qaatay dhiggiisa Jamhuuriyadda Rwanda Mudane Paul Kagame oo uu ka qeyb-galay caleemo-saarkiisa. Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay xiriirka laba geesoodka ah iyaga adkeeyay doorka muhiimka ah ee iskaashiga gobolka uu ka qaadan karo wax ka qabashada caqabadaha iyo la dagaallanka argagixisada. Madaxweyne Paul Kagam ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya ku bogaadiyey horumarka ay ka gaartay dhinacyada, amniga, diblomaasiyadda iyo dhaqaalaha, waxa uuna ballan qaaday in Rwanda ay taageeri doonto dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed. https://twitter.com/BoodhariFarah/status...
Somalia Iyo Itoobiya ayuu Wadahadal Uga Biloowday Magaalada Ankara ee Dalka Turkiga
WARARKA

Somalia Iyo Itoobiya ayuu Wadahadal Uga Biloowday Magaalada Ankara ee Dalka Turkiga

12" Aug"2024 Soomaaliya oo ka jawaabtay waxa uu yahay marin badeedka uu sheegay Hakan Fidan in la siinayo Itoobiya Wufuud ka kala socota dowladdaha Soomaliya iyo Itoobiya ayaa maanta u ballansan in ay ku kulmaan dalka Turkiga halkaas oo lagasii amba qaadi doono wadahadaladii u dhexeeya Soomaaliya Iyo Itoobiya, ee ku aaddanaa dejinta xiisaddii u dhexaysa labada dal. Soomaaliya iyo Itoobay ayaa xiisadda u dhaxaysaa soo bilaabatay bilowgii sanadkan ka dib markii Addis Ababa heshiis is afgarad ah la gashay Jamhuuriyada Iskeed Madaxbanaannida ugu dhawaaqday ee Somaliland. Wasirka warfaafinta Soomaaliya Daa’uud Aweys Jaamac oo ka mida waftiga Soomaaliya ee ku sugan Ankara ayaa BBC-da u sheegay in shirka maanta u furmaya Soomaaliya iyo Itoobiya uu noqonayo wajiga labaad ee dadaallada Tur...
AIPAC iyo Ilhaan Cumar oo gorodda iskula jira. Taageerayaasha Israa’iil oo lacag ku bixinaya in kursiga laga qaado
WARARKA

AIPAC iyo Ilhaan Cumar oo gorodda iskula jira. Taageerayaasha Israa’iil oo lacag ku bixinaya in kursiga laga qaado

12"Aug"2024"BBC" AIPAC iyo Ilhaan Cumar oo gorodda iskula jira. Taageerayaasha Israa'iil oo lacag ku bixinaya in kursiga laga qaado Guddiga awoodda badan ee galaangalka u sameeya Israa’iil ee loo yaqaanno AIPAC ayaa ilaa $100 malyan ku kharash gareynaya sidii ay kuraastooda ku weyn lahaayeen xubnaha loo yaqaanno ‘kooxda’ ee ah siyaasiyiinta horusocodka ah. Warqad qorshahaas lagu qoray ayaa Ilhaan Cumar oo xisbiga dimuqaraadiga ka tirsan, lagana soo doorto Minnesota, kana mid ah xubnaha aasaasay ‘kooxda’ waxaa lagu sheegay inay tahay bartilmaameedka ugu weyn, ayadoo doorashada hordhaca ah ee xisbiga dhexdiisa ay is wjihi doonaan 13 Agoosto Don Samuels. Ilhaan iyo xubnaha kale ee ‘kooxda’ ayaa aad u taageera xabbadjoojin laga gaaro dagaalka Qasa, waxayna aad u dhaliilaan Israa’iil. ...
Ciidanka Masar ay codsatay in Soomaaliya la geeyo maxay uga dhigan tahay Itoobiya iyo gobolka?
WARARKA

Ciidanka Masar ay codsatay in Soomaaliya la geeyo maxay uga dhigan tahay Itoobiya iyo gobolka?

Waxaa la shaaciyay in Masar ay u gudbisay codsi ah in ay ciidankeeda u soo dirto dalka Soomaaliya oo jaarka la ah Itoobiya, si ay qayb uga noqdaan qorshe nabad ilaalin ah. Midowga Afrika ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in ay soo dhaweynayaan codsiga Masar ee ah in ciidamadooda ay u soo diraan Soomaaliya si ay ugu mid noqdaan kuwa nabad ilaalinta. Ururka ayaa sheegay in marka lagu dhawaaqay in ciidamada Midowga Afrika ee Ku meel gaarka ah ee Soomaaliya ATMIS, lagu beddeli doono ciidamado cusub oo la yiraahdo howlgalka taageerada iyo xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya sanadka 20205-ka. Shir ay dhawaan yeesheen Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika, Masar iyo Jabuuti ayay ku shaaciyeen inay u gudbiyeen codsi ah in ciidamadooda la geeyo Soomaaliya si ay u hoos yimaadaan c...
Wax ka ogow afarta musharrax ee u tartamaya xilka gudoomiyaha guddiga midowga Afrika
WARARKA

Wax ka ogow afarta musharrax ee u tartamaya xilka gudoomiyaha guddiga midowga Afrika

Midowga Afrika ayaa todobaadkii hore soo saaray magacyada afar musharrax oo u taagan qabashada xilka guddoomiyaha guddiga midowga Afrika ee AUC. Musharixiinta la ansixiyay ayaa ka kala yimid dalalka bariga Afrika oo ay ku jiraan Kenya, Jabuuti, Madagascar iyo Mauritius. Sababtu waxa ay tahay in waddamada xubnaha ka ah midowga Afrika ay fursad u heleen in ay soo magacaabaan masuulkii bedeli lahaa guddoomiyaha hadda talada haya ee Moussa Faki oo ah muwaadin u dhashay dalka Chad oo xilkaasi hayay tan iyo sannadkii 2017-kii. Doorashada AUC ayaa loo qorsheeyay in ay qabsoonto bisha Febraayo ee sanadka soo socda 2025, inta lagu guda jiro shir madaxeedka midowga Afrika. Raila Odinga – Kenya. Qoraalka sawirka,. Hoggaamiyaha mucaaradka Kenya Raila Odinga, oo 79 jir ah, ayaan ahayn...
Maxay tahay madasha laga soo weeciyay Jabuuti ee maanta laga furay Muqdisho
WARARKA

Maxay tahay madasha laga soo weeciyay Jabuuti ee maanta laga furay Muqdisho

12-Aug-2024- Muqdisho Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay madasha horumarinta Soomaaliya, kaasi oo ay ka qeyb-galeen ra’iisul wasaare ku-xigeenka XFS Saalax Axmed Jaamac, wasiirro, xildhibaanno iyo aqoonyahanno isaga kala yimid gudaha iyo dibadda. Madashan oo sanadkaan looga hadlayo kobcinta dhaqaalaha Soomaaliya ee dayn cafinta kadib ayaa socon dootno muddo labo cisho ah, waxaana soo qaban-qaabiyay Machadka Heritage. Madashan oo sanadle ah ayaa waxay Heritage sanadihii dambe ku qaban jirtay dalka Jabuuti, waxaana hadda loo soo wareejiyay gudaha dalka, gaar ahaan magaalada Muqdisho. Madaxda qeybta ka ah shirkaan ayaa bogaadiyay madasha, iyadoo aqoonyahanka loo jeediyay inay soo saaran cilmbaarisyo, si loogu gudbiyo go’aan gaarayaasha dalka. Qaran jabkii Waxa aan k...
Madaxweyne Xasan Sheekh Iyo Dhiggiisa Turkiga Erdogan Oo khadka talefanka kuwada hadlay
WARARKA

Madaxweyne Xasan Sheekh Iyo Dhiggiisa Turkiga Erdogan Oo khadka talefanka kuwada hadlay

Muqdisho- 11-ka Agoosto, 2024; Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khadka telefoon kula hadlay Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan. Wadahadalkooda ayaa xoogga saaray xiriirka dhow ee labada dal, muhiimadda ay leedahay nabadgelyada iyo xasilloonida gobolka. Labada Madaxweyne ayaa mar kale adkeeyey istarataatiijiyadda iskaashiga labada dal, gaar ahaan iskaashiga difaaca iyo horumarinta dhaqaalaha. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hoosta ka xariiqay doorka Turkiga ee dhiirrigelinta wadahadallada nabadeed ee lagu xallinayo caqabadaha horyaalla gobolka. Madaxweyne Jamhuuriyadda ayaa xusay in Soomaaliya ay soo dhawanayso dadaallada Turkiga ee waanwaanta iyo wada-xaajoodka ay garwadeenka ka yihiin ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya, isaga oo adkeeya...
Madaxweynaha JFS oo gaaray magaalada Kigali ee dalka Rwanda
WARARKA

Madaxweynaha JFS oo gaaray magaalada Kigali ee dalka Rwanda

11"Aug"2024" Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminaya oo ka qeybgelaya caleema-saarka Madaxweynaha Dalka Rwanda Mudane Paul Kagame ayaa gaaray Magaalada Kigali ee Caasimadda Jamhuuriyadda Rwanda. Madaxweynaha ayaa ka mid ah hoggaamiyeyaasha dalalka gobolka iyo caalamka ee ka qeyb-galaya caleema-saarka Madaxweyne Kagame, waxaa uuna ku bogaadiyey shacabka iyo dowladda Rwanda sida ay uga soo kabteen dagaalladii sokeeyee iyo qaran jabkii ku yimid dalkooda. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahad-celiyey shacabka iyo dowladda Rwanda soo dhaweynta diirran, isagoo adkeeyey muhiimadda xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya Labada dal . https://twitter.com/BoodhariFarah/sta...
Daawo: Hirshabelle ayaa faahfaahin ka bixisay khasaaraha kadhashay dabka ka kacay Suuqa Jowhar.
WARARKA

Daawo: Hirshabelle ayaa faahfaahin ka bixisay khasaaraha kadhashay dabka ka kacay Suuqa Jowhar.

11-Aug-2024" Hirshabelle ayaa faahfaahin ka bixisay khasaaraha kadhashay dabka ka kacay Suuqa weyn ee magaalada Jowhar. Dab saakay ka kacay suuqa loo yaqaan Haaf-Bakaaro ee degmada Jowhar ayaa keenay khasaare hanti oo badan. Lama sheegin in cid wax ku noqtay. Ganacstada suuqa oo ka hadashay dabka saaay waxay dhammaantood sheegeen in khasaare hanti uu soo gaaray. Mid ka mid ah dadkii hantidooda ku gubatay suuqa ayaa sheegtay in khasaare uu soo gaaray ganacsigooda. “Gurigeena waxaa ku gubatay saddex makiinad, boqol loor oo sisin ah iyo saliiddi oo dhextaal”. Sida la sheegay dhowr jeer ayuu dab ka kacay suuqa Jowhar, sanadkan gudihiisa labo jeer ayuu dabka baa’iyay suuqa. Ugu dambeyn waxaa lagu guuleystay in la dabka la damiyo. Ma jiraan tallaabooyin muuqda oo looga hortagi kar...
McDonald’s oo uu hoos u dhac la soo dersay markii laga qaaddacay khaliijka dagaalka Qasa dartiis
WARARKA

McDonald’s oo uu hoos u dhac la soo dersay markii laga qaaddacay khaliijka dagaalka Qasa dartiis

11"Aug"2024 Shirkadda McDonald's ayaa go'aansatay in uu dib uga fikirto istaraatijiyadeeda qiimaha iibka, kadib markii ay hoos u dhacday tirada macaamiisha taas oo keentay hoos u dhac ku yimid iibka weyn ee cuntada iyo baaqyadii qaadacaada ahaa ee ka dhashay dagaalka Qasa. Xarumihii furnaa ugu yaraan muddo hal sano ah ayaa la kulmay hoos u dhac xagga iibka ah 1% bilihii Abriil ilaa Juun marka la barbar dhigo sannadkii hore, waana hoos u dhicii ugu horreeyay ee tan iyo xilligii cudurkii Safmarka ee Coronavirus. Hoos u dhaca ayaa yimid inkasta oo shirkadda Hamburger ay bixiso heshiisyo lacag celin ah si ay isugu dayaan inay dib u kasbadaan macaamiisha, iyo sidoo kale in dadka qaar ay qaadaceen McDonald's dagaalka Israa'iil ee Gaza awgii. Qaadacaadda ayaa bilaabatay kadib mark...