Erdogan oovAbiy taleefanka kula hadlay ka hor kulanka Soomaaliya iyo Itoobiya ee la filayo
Sida lagu daabacay bogga madaxtooyada Turkigu ku leedahay barta X ee horay loo oran jiray Twitter, waxaa Khadka taleefanka kuwada hadlay madaxweynaha Turkiga, Rajeb Dayib Ordogan iyo ra’iisulwasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, iyaga oo sida ay sheegtay madaxtooyadu ka wada hadlay arrimo ay ka mid tahay khilaafka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya.
Dawladda Turkiga ayaa sheegtay in madaxweyne Erdogan uu kala hadlay Abiy, sida ay Turkiga uga go’an tahay dhamaynta xiisadda ka dhex taagan Soomaaliya iyo Itoobiya.
“Madaxweyne Ordogan wuxuu ogyahay in talaabooyinka ay tahay Itoobiya in ay qaaddo ay yihiin kuwa meesha ka saari kara walaaca ay Soomaaliya ka qabto midnimadeeda, madaxbanaanideeda, iyo siyaadada dhulkeeda, taasina ay fududeynayso qorshaha,” ayaa lagu yiri warkan oo ay soo saartay m...