Daawo” Dowladda Federaalka oo shaacisay in Masar ay dalbatay inay ciidamo usoo dirto Soomaaliya
8- July-2024" Muqdisho "Dowladda Soomaaliya ayaa xaqiijisay in Masar ay dalbatay inay ciidamo u soo dirto Soomaaliya, maadaama uu socdo qorshe lagu diyaarinayo howlgalka 3-aad ee bedelaya ciidamada ATMIS oo dalka joogay in ka badan 10 sano.
La-taliyaha amniga qaranka Xuseen Macalin Maxamuud oo maanta u waramay SNTV ayaa xaqiijiyey in Masar ay soo gudbisay codsigaas, balse go’aanka aqbalaada laga sugayo dowladda Soomaaliya.
“Masar iyo Jabuuti waxay kulankii Midowga Afrika ay uga tashanayeen qorsheynta howlgalka cusub uga dhawaaqeen inay diyaar u yihiin inay ka qeyb noqdaan oo Soomaaliya ciidamo u soo doraan, laakiin dowladda Soomaaliya ayaa go’aan ka gaareysa wadamada ay ciidamadu ka imaa doonaan,” ayuu yiri Xuseen Macalin Maxamuud.
Howlgalkaas ayaa Soomaaliya ka bilaabanaya horaan...