WARARKA

Horjooge Sare Oo Ka Tirsan Alshabaab Oo U Soo Gacan galay Dowladda Iyo NISA oo .
WARARKA

Horjooge Sare Oo Ka Tirsan Alshabaab Oo U Soo Gacan galay Dowladda Iyo NISA oo .

6" Aug"2024" Howl-gal qorshaysan oo ciidamada ammaanka ka fuliyeen gobolka Galgaduud ayaa lagu qabtay Horjooge Idiris Maxamed Sheekh. Ninkan oo si weyn ugu raadjoogtay hay’adda NISA ayaa hadda ahaa horjoogaha kooxda Al-Shabaab lacagaha baadda ay ugu yeeraan Sakada ee gobolka Galgaduud. Horjooge Idiris ayaa sidoo kale horay u soo noqday horjoogaha Al-Shabaab ee gobalka Shabeellaha Dhexe, kahor inta aanan kooxda laga xorreyn Guud ahaan Gobalkaas. Sidoo kale wuxuu ninkaan kasoo howl-galay gobolada Baay iyo Bakool, wuxuuna kamid ahaa shaqsiyaadka ugu dhow Horjoogaha kooxda Al-Shabaab ee Axmed Diiriye Hay’adaha amniga ee dowladda waxaa ka go’an in ay sharciga horkeenaan danbiilayasha kooxda ah ee ku hawlan waxyeelaynta Shacabka Soomaaliyeed. Horjoogahan oo muddo ay ku raadjoogtay...
Maamulka Jubbaland oo gubay indha-shareerkii u badnaa, soona saartay awaamiir culus
WARARKA

Maamulka Jubbaland oo gubay indha-shareerkii u badnaa, soona saartay awaamiir culus

Ciidamada ammaanka ee dowlad-goboleedka Jubbaland oo gacanta ku dhigay boqollaal indho shareer ah oo ay xirnaayeen haweenka ku nool magaalada Kismaayo, ayaa meel fagaaro ah ku gubay. Taliska Booliska magaalada ayaa sheegay inay xabsiga dhigi doonaan ayna  ganaaxi doonaan haweenayda lagu qabto iyada oo xiran indho shareer, sababo la xiriira cabsi laga qabo in kooxda Al-Shabaab ay ku dhex dhuuntaan oo ay weeraro geystaan. Booliska ayaa la arkayay iyaga oo xaafadaha magaalada Kismaayo ka sameenaya howl-gal lagu mamnuucayo xirashada indho shareerka, iyada oo horay looga soo saaray awaamiir lagu joojinayo xerashada niqaabka haweenka. Warsame Axmed Geelle oo ah taliyaha ciidanka booliska Kismaayo ayaa sheegay in la soo afjaray niqaabka, isaggoo tilmaamay in hindisahan looga go...
Turkiga oo masuul sare usoo direy Muqdisho xilli Fidan ku sugan yahay Addis
WARARKA

Turkiga oo masuul sare usoo direy Muqdisho xilli Fidan ku sugan yahay Addis

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa xafiiskiisa ku qaabilay agaasimaha akademiyadda diblomaasiyadda Turkiga oo ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda dalkaas. Wasiir Fiqi iyo Proff Dr. Mesut Özcan ayaa ka wada-hadlay iskaashiga labada dhinac iyo sare u qaadista tababarada taageerada ah ee diblomaasiyiinta Soomaaliyeed ka helaan Turkiga. Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa dowlada Turkiga uga mahad-,celiyey taageerada ay la garab taagantahay Soomaaliya, isagoo xusay in 15-kii sano ee ugu dambeeyey Turkigu uu tababaray ilaa 80-diblomaasi, haatana uu rajeynayo in la sii horumariyo iskaashiga khibrad wadaagga labada dhinac. Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa safiirka Turkiga ee Soomaaliya Alper Aktas, waxaana uu ku soo beegmayaa xilli berri uu Muqdisho k...
Daawo: carruurtii ay xaalada caafimaad aawgeed ay Talyaaniga ugu dirtay Hormuud Salaam Foundation oo dalka ku soo laabtay
WARARKA

Daawo: carruurtii ay xaalada caafimaad aawgeed ay Talyaaniga ugu dirtay Hormuud Salaam Foundation oo dalka ku soo laabtay

5" Aug" 2024" Qaar ka mid ah carruurtii ay xaalada caafimaad aawgeed dalka Talyaaniga ugu qaaday Heyadda Hormuud Salaam Foundation ayaa dalka ku soo laabtay Waalidiin ay wajiyadoodu ka muuqato farxad ayaa Muqdisho maanta lagu soo dhaweeyay kadib markii uu ka haray warwarkii xanuunada wadnaha ee carruurtooda https://twitter.com/BoodhariFarah/status/1820480078238928974?t=65PLIRkAqnlZ0bHHb84-ag&s=19 Lix ka mid ah carruurtii qabtay xanuunnada wadnaha iyo waalidiintooda oo 3 bilood ka hor hay'adda samafalka Hormuud Salaam Foundation ay safar caafimaad ugu dirtay dalka Talyaaniga ayaa ka soo dagay garoonka diyaaradaha Aadan C/lle ee Magaalada Muqdisho,Iyaga oo caafimaadkoodu uu wanaagsan yahay kadib qalliin lagu guuleystay markii loogu sameeyay magaalada Milano. Carruurtaan oo...
Daawo: Maxay ka yiraahdeen Masuuliyiinta Dowlada ee ka hadashay Dibadbaxii maanta ?
WARARKA

Daawo: Maxay ka yiraahdeen Masuuliyiinta Dowlada ee ka hadashay Dibadbaxii maanta ?

Wasiiru dowlaha wasaaradda Amniga Gudaha Xildhibaan Maxamed Cali Xagaa,oo ka qeyb galay dibadbax looga soo horjeeday weerarkii ay khawaarijtu ku xasuuqaday dad shacab ah oo ku sugnaa Xeebta Liido ayaa shacabka soomaaliyeed ugu baaqay in ay la shaqeyaan ciidamada amniga sii loo soo afjaro haraadiga khawaarijta ay bulshada ku dhax dhuumanayo. Wasiir Xagaa ayaa tilmaamay in gaba-gabo marayaan khawaarijta oo ay naf la caariyihin,dhalinyaradan looga baahanyahay in aysan niyad jabin oo ay garab istagaan geesiyaasha qaranka. https://youtu.be/9KK92lcJ6PA?si=3H3MWAnqarnShaww
Daawo: Banaanbax ka dhan ah ficilada gurracan” Alshabaab ayaa lagu qabtay Xeebta Liido ee magaalada Muqdisho,
WARARKA

Daawo: Banaanbax ka dhan ah ficilada gurracan” Alshabaab ayaa lagu qabtay Xeebta Liido ee magaalada Muqdisho,

Banaanbax ciwaankiisu yahay “Ololaha ciribtirka Khawarijta iyo naqdinta ficiladooda gurracan” ayaa lagu qabtay Xeebta Liido ee magaalada Muqdisho, halkaas oo habeenkii Jimcaha ay Khawaarijtu ku beegsatay shacab aan waxba galabsan. Mas'uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda oo isugu jira xildhibaano, wasiirro, maamulka gobolka Banaadir iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa ka qeyb galay banaanbaxaas. https://www.youtube.com/live/CWSD5UcrZXk?si=iyvKjkaoaK4K8h9b
Ma la sii daayay Mise Waa fakadeen Alshabaabkii ku Xirnaa Gaalkacyo?
WARARKA

Ma la sii daayay Mise Waa fakadeen Alshabaabkii ku Xirnaa Gaalkacyo?

Xubno Shabaab ah oo DIL ku xukumanaa ayaa la is weeydiinayaa siday uga baxsadeen xabsi ku yaal Gaalkacyo Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug ayaa sheegaya in xalay xubno maxaabiis ah oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ay ka baxsadeen xabsi ku yaalla waqooyiga magaalada Gaalkacyo, kaas oo ay maamusho Puntland. Maxaabiista oo fursad heshay ayaa la sheegay inay ka fakadeen xabsiga, waxaana tiradooda lagu sheegay 12 maxbuus oo horay dil iyo xabsi daa’in loogu xukumay. Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay innoo sheegay in ciidamada ammaanka oo durbo ka helay arrintan ayaa sameeyay howlgal ka daba tag ah, waxayna soo qabteen 9 kamid ah maxaabiistii Al-Shabaab ee ka baxsaday xabsiga waqooyiga magaalada Gaalkacyo. Sidoo kale ciidamada ayaa baadi-goob ugu jiro afar kale oo la la’yahay, waxaa...
Dowladda Soomaaliya oo saraakiil u xirtay qaraxii Xeebta Liido ee Muqdisho
WARARKA

Dowladda Soomaaliya oo saraakiil u xirtay qaraxii Xeebta Liido ee Muqdisho

4- Aug-2024" Dowladda Soomaaliya oo saraakiil u xirtay qaraxii Xeebta Liido ee Muqdisho Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, oo Xalay ku booqday isbitaalka Erdogan shacabkii ku dhaawacmay Qafraxii maalintii Jimacaha ka dhacay Xeebta Liido, ayaa sheegay in la qaadday tallaabooyin adag oo lagula xisaabtamayo saraakiishii shaqada ku lahayd goobaha la weeraray, qaarkoodna ay xiran yihiin. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in markii lagu jabiyey Alshabaab goobaha dagaalka ay beegsadeen dhallinyaradii indhaha u ahaa mustaqbalkii dalka oo aan siyaasad shaqo ku lahayn, si nabad ahna ugu caweynayey dalkooda, taas oo muujinaysa buu yiri dabargoynta shacabka Soomaaliyeed. Mudane Xamsa ayaa uga tacsiyeeyey ehellada iyo asxaabta dadkii ku dhintay weerarka, isaga oo ugu duceeyey in I...
Dowladaha Carabta oo si adag u cambaareeyey weerarkii khawaarijta ee xeebta Liido
WARARKA

Dowladaha Carabta oo si adag u cambaareeyey weerarkii khawaarijta ee xeebta Liido

Dowladaha Sacuudi Carabiya, Qatar, Baxreyn, Kuwait, Masar iyo Jordan ayaa si ayaa si kulul u cambaareeyay Weerarkii khawaarijta ay ku qaaday Xeebta liido ee magaalada Muqdisho, kaas oo ay ku shahiideen in ka badan 32 qof iyo dhaawaca kor u dhaafaya 63. War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradaha Arrimaha Dibadda dalkaasi ayaa lagu sheegay inay xanuun la qeyb-sanayaan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Shacabka Soomaaliyeed, iyagoo tacsi tiiraanyo leh u soo diray Soomaaliya, una rajeeyay kuwa ku dhaawacmay caafimaad deg deg ah. Ugu dambeyn Dowladaha xubnaha ka ah Jaamacadda Carabta ayaa sheegay inay dowladda Soomaaliya iyo shacabkeeda ku garab yihiin la dagaalanka khawaarijta arxanka daran ee ka been sheegaysa Diinta Islaamka.
Kulan looga hadlayay amniga oo lagu qabtay magaalada Muqdisho
WARARKA

Kulan looga hadlayay amniga oo lagu qabtay magaalada Muqdisho

Kulan Ammaanka Caasimadda looga hadlay ayaa waxaa iskugu yimid hay’adaha Amniga Heer Federaal iyo maamulka gobolka Banaadir kaas oo ka qabsoomay Xarunta Taliska Booliska Soomaaliyeed . Kulankaan ayaa waxaa shir gudoominayay Wasiirka Wasaaradda Amniga Cabdullaahi Sheekh Cismaan Fartaag, waxaana ka qeyb galay Taliyaha Ciiidanka Booliska Soomaaliyeed S/guuto. Sulub Axmed Firin, Agaasimaha hey’adda Nabad Suggidda iyo Sirdoonka Qaranka Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbalooshe iyo Guddoomiyaha gobolka Banadir Ahna duqa magaaladda Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale. Inta badan kulanka intuu socday waxaa looga haddlay xaalada Amniga ee Caasimadda iyo sidii loo sii xoojin lahaa, iyadoo ay hadalka iskaga danbeeyeen madaxdii kulanka kasoo qaybgashay.