Daawo: Maxkamadda Gobolka Banaadir oo xukun ku riday gabdho caan ka ahaa Tiktok
Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa maanta xukun ku ridday 9 gabdhood oo kamid ah dhalinyarada isticmaalaha baraha bulshada, kuwaas oo muddooyinkii u dambeeyay u xirnaa ciidamada booliska dowladda Soomaaliya.
Maxkamadda ayaa ugu dambeyn xukun kasoo saartay dacwad loo heystay gabdhahan oo caan ka ahaa barta TikTok, waxaa kamid ah Sihaam Tahliil, Nashaad Nalka, Sacdiyo Galmudug Iftin Model, Aniso Anjalii iyo Farxiyo Zona.
Dhammaantood waxaa lagu soo eedeeyay kicin dadweyne, hurinta dagaal sokeeye iyo faafinta anshax xumo, sida ay horay u sheegtay xeer-ilaalinta guud ee qaranka.
Sidoo kale dacwadda oo dhameysatay heerarkeeda kala duwan ayaa ugu dambeyntii maanta waxaa xukun ka soo saartay maxkamadda gobolka Banaadir, eedeysanayaasha oo ka koobnaa 9 gabdhood ayaa 7 ka mid ah lagu xukumay...