WARARKA

Daawo Qarax Caawa Ka dhacay Hoteel ku yaal Xeebta Liido ee Magaalada Muqdisho
WARARKA

Daawo Qarax Caawa Ka dhacay Hoteel ku yaal Xeebta Liido ee Magaalada Muqdisho

Ilaa 4-Qof oo ismiidaamiyaal ah ayaa isku qarxiyey Hoteelka Peach Veiw ee xeebta Liido ee Magaalada Muqdisho xili ay dad badan ku caweynayeen Lama oga weli khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxan, waxaana haatan xaaladdu ay tahay mid aad u kacsan. Waxaa lasoo werinayaa in Hoteelka gudahiisa laga maqlayo rasaas taas oo loo maleynayo in laga dhex dagaalamayo. Sidoo kale waxaa soconayo gurmad loo fidinayo dadka ay waxyeelada gaartay ayada oo goobta ay gaareen ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka dowladda Soomaaliya. Waxaa adag in loo gurmado dadkii dhaawacmay iyo kuwii dhintay oo daadsan barxadda weyn ee xeebta Liido, magaalada Muqdisho caawa aad ayey u kacsan tahay xaaladu. Ciidamada Amniga ayaa wada hawlgal isugu jira gurmadka shacabkii Khawaarijtu waxyeelaysay iyo soo afjari...
Wasiirka Arrimaha dibadda Turkiga Oo ku wajahan Magaalada Addis Ababa
WARARKA

Wasiirka Arrimaha dibadda Turkiga Oo ku wajahan Magaalada Addis Ababa

2-July-2024" Wasiirka arrimaha dibadda Turkiga Hakan Fidan ayaa maalinta berri ah booqasho ku tagaya magaalada Addis Ababa ee caasimada dalka Itoobiya. Hakan ayaa sida uu qorshuhu yahay la kulmi doona wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya Taye Atkse Selassie iyo ra’iisul wasaare Abiy Ahmed, xilli ay taagan tahay xiisadda u dhaxeysa Soomaaliya iyo Itoobiya. Turkiga ayaa dhex-dhexaadinaya dowladdaha Soomaaliya iyo Itoobiya, iyada oo bisha soo socoto ee September loo balansan yahay wajiga labaad ee wada-hadallada labada dhinac, kadib markii wax natiijo lagu gaari waayay kulamo hordhac ah oo labada dhinac la isugu keenay Ankara. Horraanta bishii hore markii la isugu tegay miiska wada-h犀利士 adalka dowladda Soomaaliya ayaa ku adkeysatay mowqifkeedii ahaa “in Itoobiya ay ka laabato heshiis ...
M/weynaha Itoobiya ayaa waraaqaha aqoonsiga ka gudoontay safiir la sheegay In Abiy uu, u soo magacaabay Somaliland
WARARKA

M/weynaha Itoobiya ayaa waraaqaha aqoonsiga ka gudoontay safiir la sheegay In Abiy uu, u soo magacaabay Somaliland

2-July-2024"Madaxweynaha Itoobiya ayaa waraaqaha aqoonsiga ka gudoontay safiir la sheegay in Abiy u soo magacaabay Somaliland Ethiopia xaafiiskeedii qunsuliyad ee magaalada Hargeysa u dalacsiisay heer safaaradeed iyadoo uu sii xoogeeysanayo xiisada dhinaca bada dariskeeda Somalia Qoraal kooban oo kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland ayaa lagu shaaciyay in guddigan oo heer wasiirro ah loo magacaabay aqoonsi raadinta. “Somaliland waxay maanta tallaabo weyn u qaaday dhanka aqoonsiga caalamiga ah. Wasaaradda arrimaha dibadda ayaa dhistay guddi heer wasiirro ah oo ka shaqayn doona aqoonsi raadinta,” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda arrimaha dibadda oo uu la socdo sawirka madaxda Itoobiya iyo Somaliland oo saxeexaya heshiiskii isfahan ee badda. Qoraalka ayaa sidoo ka...
Daawo: Madaxweyne Xasan shiiq  Midnimada Soomaaliyeed waxay ku xiran tahay wadajirka culumada
WARARKA

Daawo: Madaxweyne Xasan shiiq Midnimada Soomaaliyeed waxay ku xiran tahay wadajirka culumada

Muqdisho, 01 Agoosto, 2024: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo casho sharaf ku maamuusay Culumaa'udiinka ka qayb galay Shirweynaha Labaad ee Culumaa'udiinka Soomaaliyeed ayaa soo dhoweeyay War-murtiyeedka ka soo baxay Shirweynaha culumaa'udiinka, isaga oo kula dardaarmay in ay xoojiyaan midnimada dhexdooda ah, si loo helo midnimo Soomaaliyeed oo waarta. Madaxweynaha ayaa uga mahad celiyay Culumaa'udiinka sida midnimada leh ee ay dowladda ugu garab istaageen ilaalinta Diinta, Dhaqanka suuban iyo Nolosha muwaadiniinta Soomaaliyeed, waxa uuna ku booriyay in ay adkeeyaan doorkooda ku aaddan jiheynta ummadda, adkaynta dowladnimada, horumarinta dalka iyo wacyi galinta bulshada. "Culumaa'udiinka Soomaaliyeed waa hoggaamiyaasha Ummadda waxaan...
Daawo: R/Wasaare Xams oo soo xiray Shirweynaha Culimada Somalia oo mudo Afar maalin ah ka socday Muqdisho
WARARKA

Daawo: R/Wasaare Xams oo soo xiray Shirweynaha Culimada Somalia oo mudo Afar maalin ah ka socday Muqdisho

Muqdisho, Khamiis, 01 Agoosto 2024: — Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo soo xiray Shirweynaha labaad ee culimada Soomaaliyeed oo looga hadlayey midnimada culimada, ayaa ku boorriyey in ay xoojiyaan wadajirka dhexdooda ah, kana gudbaan wax walba oo keenaya kala qeybsanaan. Ra’iisul Wasaaraha, ayaa kula dardaarmay culimada Soomaaliyeed in ay adkeeyaan doorkooda ku aaddan dib-u-dhiska iyo horumarinta dalka, dadkana ay ku hoggaamiyaan dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta. “Khataraha ugu waaweyn ee ina horyaalla waxaa ugu horreeya Khawaarijta, waxa ay khatar ku yihiin caqiiqada, dhaqaalaha, bulshada, wax-soo-saarka iyo jiritaanka ummaddan, argagixisadu waxa ay hoggaamiyaan jahliga, diin xumada iyo dhaqan xumada, meeshi...
Al-Jazeera ayaa daabacday warbixin ku saabsan horumarka dhanka Internet-ka ee Hormuud Telecom..
BUSINESS, WARARKA

Al-Jazeera ayaa daabacday warbixin ku saabsan horumarka dhanka Internet-ka ee Hormuud Telecom..

1'Aug'2024" Al-Jazeera ayaa maanta daabacday warbixin ku saabsan horumarka dhanka Internet-ka ee Hormuud Telecom ay u horseeday Somalia ooy ku jirto hirgelinta Internet jiilka 5aad ee 5G. Shirkadda weyn ee Hormuud Telecom ayaa adeegga 5G ay ku baahisay caasimadda Somalia ee Muqdisho Iyo in ka badan 30 magaalo oo ku kala yaalla Jubbaland, Koonfur-Galbeed, Hirshabeelle, iyo Galmudug. Macaamiisha shirkadda Hormuud Telecom ayaa bilaabay inay helaan adeegyo casri ah Iyaga oo ka fa’iidaysanaya Tignoolajiyad horumarsan oo Muqdisho loogu keenay kadib markii shirkadda Isgaarsiinta Hormuud Telecom ay ka hirgalisay dalka ku yaal bariga africa Adeegsiga #5G Intaa waxaa dheer, #Hormuud5G waxay qorsheyneysaa inay ka faa'iideysato 5G si ay u xoojiso nidaamkeeda maaraynta musiibooyinka iyadoo la ...
Golaha Shacabka ee BJFS oo Ansixiyay Hindise Sharciyeedka Xaquuqda Naafadda Qaranka
WARARKA

Golaha Shacabka ee BJFS oo Ansixiyay Hindise Sharciyeedka Xaquuqda Naafadda Qaranka

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta kulan ku yeeshay xarunta golaha shacabka,waxaana kulanka shir guddoomineysay guddoomiye kuxieenka koowaad ee golaha shacabka Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar oo uu wehliyo Guddoomiye kuxigeenka labaad ee golaha Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow. Ugu horeyn habdhowraha golaba shacabka ee baarlamaanka Dalka Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Xasan (Nuux), ayaa dhaariyay wasiiru dowlaha cusub ee wasaaradda howlaha guud iyo guryeynta ee xukuumadda Faderaalka Soomaaliya Mudane Siciid Maxamed Maxamuud Xayd oo dhowaan xilkaasi loo magacaabay. guddoomiyaha guddiga xuquuqul insaanka ee Golaha Shacabka Xildhibaan Xaawo Sokor Cali ayaa xildhibaanada u faahfaahisay warbixinta akhrinta sedaxaad ee hindise sh...
Waaxda Adeegga Dad-Dhigidda Banadir oo dib loo howl-geliyay
WARARKA

Waaxda Adeegga Dad-Dhigidda Banadir oo dib loo howl-geliyay

Maamulka Gobolka Banadir ayaa todobaadkaan dib u howl-geliyay Waaxda Adeegga Dad-Dhigidda, taas oo aanan dalka ka shaqeyn muddo ku siman 34 sano. Waaxdan oo hoos timaada Dowladda Hoose ee Xamar, ayaa qabato adeegyo ay ka mid yihiin diiwaangelinta carruurta ku dhasha isbitaallada, soo saarista iyo bixinta shahaadooyinka guurka iyo furriinka iyo wixi la mid ah. Duqa magaalada Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo munaasabaddi furitaanka ka hadlay ayaa sheegay, in Waaxda Dad-Dhidda ay hadda diyaar u tahay fulinta adeegyadi horay loogu yiqiinnay.