WARARKA

Meta shares surge after tech giant reports $13.5bn profi
WARARKA

Meta shares surge after tech giant reports $13.5bn profi

1"Ug"2024" Meta, the parent company of Facebook and Instagram, has reported a higher-than-expected profit of $13.5bn for the most recent quarter, sending its shares nearly 7 percent higher. Revenue in the April-June period came in at $39bn, above market expectations and up 22 percent compared with the previous year, Meta said in its latest earnings report on Wednesday The California-based tech giant said that it expected revenue in the third quarter to come in at between $38.5bn and $41bn. “We had a strong quarter, and Meta AI is on track to be the most used AI assistant in the world by the end of the year,” Meta founder and CEO Mark Zuckerberg said We’ve released the first frontier-level open source AI model, we continue to see good traction with our Ray-Ban Meta AI glasses, a...
Salaam Somali Bank ayaa door muhiim ah ka qaadatay Bandhiga Jiilka Maanta oo lagu qabtay Magaalada Muqdisho
WARARKA

Salaam Somali Bank ayaa door muhiim ah ka qaadatay Bandhiga Jiilka Maanta oo lagu qabtay Magaalada Muqdisho

Salaam Somali Bank ayaa door muhiim ah ka qaadatay Bandhiga Jiilka Maanta ooy soo agaasitay heyadda Elman Peace And Human Rights Centre. Bandhigga Jiilka Maanta oo ka dhacay Beerta Benaadir ayaa intii uu socday qaar ka mid ah macamiisha Salaama Somal壯陽藥 i Bank ay ka faa’ideysteen qiimo dhimista kaararka Visa iyo Mastercard. Dhalinyarada ka soo qeybgashay festivalka Jiilka Maanta ayaa muujiyay sida ay heeganka ugu yihiin horumarinta dalkooda iyo dadkoodaba. https://twitter.com/BoodhariFarah/status/1818722232023367752?t=g_0HTbucU58D_tnEnVRw-w&s=19
Golaha Shacabka ee BJFS oo Ansixiyay Hindise Sharciyeedka Xaquuqda Naafadda Qaranka
WARARKA

Golaha Shacabka ee BJFS oo Ansixiyay Hindise Sharciyeedka Xaquuqda Naafadda Qaranka

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta kulan ku yeeshay xarunta golaha shacabka,waxaana kulanka shir guddoomineysay guddoomiye kuxieenka koowaad ee golaha shacabka Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar oo uu wehliyo Guddoomiye kuxigeenka labaad ee golaha Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow. Ugu horeyn habdhowraha golaba shacabka ee baarlamaanka Dalka Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Xasan (Nuux), ayaa dhaariyay wasiiru dowlaha cusub ee wasaaradda howlaha guud iyo guryeynta ee xukuumadda Faderaalka Soomaaliya Mudane Siciid Maxamed Maxamuud Xayd oo dhowaan xilkaasi loo magacaabay. Guddoomiyaha guddiga xuquuqul insaanka ee Golaha Shacabka Xildhibaan Xaawo Sokor Cali ayaa xildhibaanada u faahfaahisay warbixinta akhrinta sedaxaad ee hindise sharc...
Somalia ” Culumada  oo war culus kasoo saaray geerida Ismaaciil Haniyah
WARARKA

Somalia ” Culumada oo war culus kasoo saaray geerida Ismaaciil Haniyah

Culumada Soomaaliyeed ayaa ka tacsiyeeyay Dilka Hogaamiyahii garabka Siyaasada ee Ururka Xamaas ismaacil Haniyah Warsaxaafadeed ay soo saaray Culimada Soomaaliyeed oo haatan shirweyne uu uga socdo magaalada Muqdisho ayaa waxaa looga hadlay dilka hoggaamiyihii Xamaas oo saaka lagu dilay caasimada dalka Iran Ug horreyntii Culimada Soomaaliyeed ayaa muslimiinta caalamka uga tacsiyeeyay geerida hoggaamiyahii garabka siyaasadda Ururka Xamaas ee Falastiin, Ismaaciil Cabdul Salaam Axmed (Ismaaciil Haniyaha). Culimada Soomaaliyeed ayaa sidoo kale Alle ugu baryay Ismaaciil Haniyaha in uu Alle Shahaadadiisa ka aqbalo Jannatul Fardowsana uu ka waraabiyo. Allaha u naxariistee Ismaaciil Haniyaha ayaa ku dhintay xalay duqeyn xagga cirka ah oo ay la beegsatay Isra’iil hoyga uu ka deggenaa mag...
Waa kuma ninka horay uga shaqayn jiray Soomaaliya ee la wareegay xilka taliyaha ATMIS?
WARARKA

Waa kuma ninka horay uga shaqayn jiray Soomaaliya ee la wareegay xilka taliyaha ATMIS?

Taliyaha cusub ee ciidamada ATMIS Janaraal Sam Kavuma ayaa si rasmi ah ula wareegay xafiiska shaqada, isaga oo sheegay in ay in la isku kaashadu sidii loo wiiqi lahaa ururka al Shabaab ee liddiga ku ah amniga Soomaaliya. Kavuma oo magaalada Muqdisho soo gaaray Axaddii, ayaa waxa uu bogaadin u jeediyay dhamaan ciidamada ka kala yimid wadamada Afrika ee Soomalaiya u jooga hawlgalkaan, kuwaas oo ku guuleystay in ay al Shabab ka xoreeyaan meel badan, sidaas waxaa sheegay milatariga dalka Uganda. “Taliyuhu wuxuu ku nuux nuux saday sida iskaashigu hoos ugu dhigay awoodda ururka Shabab, Soomaaliyana uguhorseeday in ay horumar ka samayso arrintaan,” ayaa lagu yiri warka ay soosaareen Ciidamada Difaaca Dadka Uganda. Taliyaha cusub ee ciidamada ATMIS ayaa waxa uu la wareegayaa talada xilli ...
MUQDISHO: Xabsi u gaar ah dumarka oo laga hirgaliyay
WARARKA

MUQDISHO: Xabsi u gaar ah dumarka oo laga hirgaliyay

30-July-2024" MUQDISHO: Xabsi u gaar ah dumarka oo laga hirgaliyay Taliska ciidamada booliska Soomaaliyeed ayaa magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ka hirgaliyay xabsi u gaar ah dumarka lasoo xiro, kaas oo laga furay degmada Hodan ee gobolka Banaadir. Xabsigan ayaa waxaa sameeyay taliyaha saldhigga degmada Hodan oo qayb u gaar ah gabdhaha kusoo kordhiyay saldhigga uu maamulo ee degmadaasi. Guddoomiyaha maamulka degmada Hodan, Cali Faxle oo ka hadlay furitaanka xabsigan ayaa soo dhaweeyay in dumarka loo helo meel gooni u ah oo lagu xiro, inta loo sii gudbinayo xabsiyada kale ee dalka ama maxkamadaha awoodda u leh. Dumarku waa hooyooyinkeen waa gabdhaheennii waa dadka ugu wanaagsan ee bulshada hooyo iyo aabe u ah, sidaas darteed dumarkaas meel u gaar ah iyaga oo ay istaah...
Ra’iisul Wasaare Xamse oo si diirran loogu soo dhaweeyey Kismaayo
WARARKA

Ra’iisul Wasaare Xamse oo si diirran loogu soo dhaweeyey Kismaayo

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi ay kamid yihiin Wasiirrada Gaashaandhigga iyo Amniga ayaa si wayn loogu soo dhaweeyey magaalada Kismaayo ee xarunta Kumeel Gaarka ah ee Jubbaland. Mas’uuliyiin uu ugu horeeyo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, dadweyne kale ayaa garoonka Kismaayo ku soo dhaweeyay Ra’iisul Wasaare Xamse iyo wafdigiisa. Mudane Xamsa Cabdi Barre oo xiran dharka Ciidanka ayaa halkaas u gaaray dhiirogelinta Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Jubbaland oo howgallo ka dhan ah Khawaarijta kawada halkaasi. Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Jubbaland ayaa dhawaan ka sameeyay halkaas howlgallo lagu khaarajiyay in kabadan 150 khawaarij ah, iyagoo gacanta ku soo dhigay tiro kale, waxaana wali socda dabagalka firxadka ka b...
Shirweynaha Culimada Soomaaliyeed oo ka socda maalintii labaad
WARARKA

Shirweynaha Culimada Soomaaliyeed oo ka socda maalintii labaad

30- July-2024" Shirweynaha Culimada Soomaaliyeed oo ka socda maalintii labaad Waxaa maalintii labaad galay Shirwrynaha 2-aad ee Culimada Soomaaliyeed oo ka socda magaalada Muqdisho, kaas oo looga hadlayo sidii loo heli lahaa Soomaali mid ah. Shirweynaha Culimada oo ay ka qeyb galayaan Culimo Soomaaliyeed oo dalka iyo dibaddiisa isaga kala yimid ayaa sanadkan diiradda lagu saari doonaa midnimada iyo wadajirka dadka Soomaaliyeed Sheekh Yuusuf Cali Caynte oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in ajandaha ugu weyn ee kulankoodu uu yahay in laga tago qilaafaadka Umadda Soomaaliyeed loona soo jeesto sidii loo joojin lahaa dhiigga daanaya, lagana shaeeyo masaalixda guud ee dalka. Sheekh Yuusuf, ayaa sheegay in doorka Culimada ee kaga aaddan midnimada iyo isu soo dumidda Umadda...
Madaxweyne Xasan Sheekh oo khadka taleefoonka kula hadlay Caawa dhiggiisa Turkiga Erdogan qodob oo xasaasi ah ka wadahadlay
WARARKA

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khadka taleefoonka kula hadlay Caawa dhiggiisa Turkiga Erdogan qodob oo xasaasi ah ka wadahadlay

29-July-2024" Madaxweyne Xasan Sheekh Iyo dhiggiisa Turkiga Erdogan oo khadka talefanka kuwada hadlay kadib ansixintii Baarlamaanka Turkiga ee qorshaha ciidamada dalkooda loogu soo dirayo biyaha Somalia ayaa Isla soo qaaday laba qodob oo xasaasi ah Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khadka taleefoonka kula hadlay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Turkiga Erdogan. Labada Madaxweyne ayaa ka wadahadlay kor u qaadista iskaashiga istiraatijiyadeed ee u dhexeeya labada dal iyo labada shacab ee walaalaha ah. Madaxweynayaasha ayaa si gaar ah uga wadahadl壯陽藥 ay arrimaha tamarta iyo difaaca oo labada dal ay si gaar ah uga wadashaqeynayeen waayihii dambe. Madaxweyne Erdogan ayaa xaqiijiyay in Turkigu uu garab taagan yahay midnimada dhuleed, midnimo iyo dadaallada ku saabsan hal...