WARARKA

Jabuuti oo mar kale xukun maxkamadeed uu ku dhacay, dacwadda kala dhexaysa DP World
WARARKA

Jabuuti oo mar kale xukun maxkamadeed uu ku dhacay, dacwadda kala dhexaysa DP World

29-July-2024" Jabuuti oo mar kale xukun maxkamadeed uu ku dhacay, dacwadda kala dhexaysa DP World Maxkamad ku taalla Maraykanka ayaa waxay amartay in la dhaqan galiyo 200 oo Malyan oo Doollar oo lagu xukumay in ay dawladda Jabuuti siiso shirkadda DP World, taasoo ka dhigaysa in DP World ay mar kale sharciga kaga guulaysatay dalkaas ku yaalla geeska Afrika, ka dib markii xukuumadda Jabuuti ay shirkadaas ka joojisay inay maamusho qaybta konteynarrada ee marsada Dooraale. Sannadki hore ayey DP worl maxakamadaha Maraykanka ka xaraysay dacwadda, ayadoo dalbanaysay in inla dhaqan galiyo go’aanki ay ku abaalmarisay maxkamadda caalamiga ee dhexdhexaadinta ee London (LCIA), ka dib markii laga joojiyey, waa sida ay ku dacwootaye, maamulka terminalka kontaynarrada ee Dooraale. Go’aankan oo m...
Daawo” Madaxweynaha JFS oo furay Shirweynaha Culimada Soomaaliyeed
WARARKA

Daawo” Madaxweynaha JFS oo furay Shirweynaha Culimada Soomaaliyeed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo daah-furay Shirwrynaha 2-aad ee Culimada Soomaaliyeed ayaa tilmaamay in qabashada shirkan, sannadkii 2-aad oo xiriir ah, ay ka marqaanti kacayso mudnaanta ay dowladdu siinayso talada iyo tilmaamaha culimada ee dowlad-dhiska Soomaaliyeed. Madaxweynaha ayaa soo bandhigay caqabadaha ku xeeran dadka iyo dowladnimada Soomaaliyeed, isagoo adkeeyey in culimadu ay xoojiyaan wacyigelinta ku wajahan marin habaabinta argagixisadu ay ku wadaan dhallinyarada Soomaaliyeed iyo dambiyada ay ku galayaan magaca diinteenna suu犀利士 bban. Dowladdu waxa ay mas’uul ka tahay ilaalinta jiritaanka dadka iyo dalka, oo ay ugu horreyaan diinta, afka, midnimada iyo wadajirka, taas oo ah dhaxal ay leeyihiin dadka Soomaaliyeed, haddaba...
Xildhibaannada Golaha Shacabka oo soo gabagabeeyay doodda Hubka Sharci darrada ah
WARARKA

Xildhibaannada Golaha Shacabka oo soo gabagabeeyay doodda Hubka Sharci darrada ah

29-July-2024" Xildhibaannada Golaha Shacabka oo soo gabagabeeyay doodda Hubka Sharci darrada ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ee baarlamaanka jamhuuriyadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa xarunta golaha shacabka ku yeeshay kalfadhiga shanaad kulankiisa sideedaad, waxaana kulanka shir guddoominayay guddoomiyaha golaha shacabka ee baarlamaanka dalka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo uu wehliyo guddoomiye kuxigeenka labaad ee golaha shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow. Kulanka maanta ayaa Xildhibaannada waxa ay kusii amba qaadeen ka doodista hubka sharci darada ah ,dagaal beeleedyada iyo dhowrista xasaanadda xildhibaanadda ajendahaas oo ay Xildhibaannada ka doodayeen labadii kulan ee ugu dambeeyay. Xildhibaannada Ajendahan aragtiyadooda ka dhiibtay ayaa aad uga hadlay d...
Guddoomiyaha Hey’adda Maareynta Masiibooyinka oo maanta hortgey Aqalka Sare
WARARKA

Guddoomiyaha Hey’adda Maareynta Masiibooyinka oo maanta hortgey Aqalka Sare

Senator Aadan Cabdinaasir “Waxaan uga mahadcelinayaa Hey’adda Maareynta Musiibooyinka dadaalkii ay ku bixisay dadkii ay saameeyeen abaaraha iyo fatahaadaha.” Maareeyaha Hey’adda NIRA Abdiwali Timacadde “Waxaan u diyaar garoobeynaa sidii aan dowlad goboleedyada u gaarsii laheyn adeegga aqoonsiga qaranka.” Guddoomiyaha Hey'adda Maareynta Masiibooyinka Maxamuud Macalin “Waxaan qorsheynay in deegaannada Jubbaland ee khawaarijta lagu jabiyay aan gaarsiino gargaar 36 kun oo qof.” Senator Cabdi Axmed Dhuxulow “Ma dhici doontaa doorashada 11 bisha soo socota ay dowlad gobaleedyadu geli lahaayeen". Senator Duniyo Maxamed Cali “Hey’adda SoDMA waxaan kula dardaarmayaa gargaarka dadka ay u geyneyso inn aysan diyaarad u kireyn oo ay magaalada ka gado si qiimaha loo yareeyo ” Senator Leyl...
Dowladda federaalka Soomaaliya Oo Kordhisay lacagta laga ganacsatada wax kala soo dega dekedda Muqdisho
WARARKA

Dowladda federaalka Soomaaliya Oo Kordhisay lacagta laga ganacsatada wax kala soo dega dekedda Muqdisho

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa qaaday tallaabo lacago horleh loogu kordhinayo ganacsatada Soomaaliyeed ee wax kala soo dega dekedda Muqdisho Wasaaradda dekedaha iyo gaadiidka nadda ay siisay qandaraas shirkad lagu magacaabo Total Cleaning Services, taasi oo qabaneysa howsha dhaqida iyo nadiifinta konteenarada kasoo dega dekedda. Arrintan ayaa culeys ku ah ganacsatada wax kala soo dega dekedda Muqdisho oo markii hore dhib ku qabay canshuuraha aan xadka laheyn ee laga qaadayay, oo ay qeyb ka tahay canshuuraha dhinaca faya-dhowrka iyo scan-ka dekedda. Culeyskan ku soo kordhay dekedda Muqdisho ayaa loo arkaa inay keeni karto in ganacsatada kala soo dega shixnadaha inay u weecdaan dekedaha kale ee dalka, ayada oo maalintii shalay dekeda Boosaaso ku soo xirtay markabkii u horreeyay...
Ku dhowaad 8 kun oo Haween oo cabasho u gudbiyay XAMZA
WARARKA

Ku dhowaad 8 kun oo Haween oo cabasho u gudbiyay XAMZA

Haweenka Soomaaliyeed ayaa maanta qaaday tallaabo culus oo deg-deg ah, kadib markii ay waayeen xilka wasiirka haweenka oo uu maalin kahor ra’iisul wasaaraha Soomaaliya u magacaabay General Bashiir Goobe. Warqad cabasho ah oo ay soo saareen dhaqdhaqaaqa Sinnaanta ee Jandarka Soomaaliya oo ay ku mideysan yihiin ku dhowaad 8 kun oo haween ah ayaa la gudbiyay ra’iisul wasaaraha, taas oo ay gabdhaha uga cabanayaan guud ahaan kuraasta ay waayeen. Qoraalkan ayaa sidoo kale la ogeysiiyay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, waxayna haweenka ku ku muujiyeen in cabashooda la xiriirta magacaabistii ugu dambeysay ee wasaaradda haweenka ee loo dhiibay General Bashiir Goobe. Haweenka Soomaaliyeed ee gudbiyay cabashadan ayaa ku dooday in markii hore xukuumadda DanQaran ay ka ahaayeen ...
Madaxii Maaliyadda Khawaarijta u qaabilsanaa Gobolka Mudug ayaa maanta isku soo dhiibay Ciidanka Booliska
WARARKA

Madaxii Maaliyadda Khawaarijta u qaabilsanaa Gobolka Mudug ayaa maanta isku soo dhiibay Ciidanka Booliska

Cabaas Shiikhdoon oo ah Madaxii Maaliyadda Khawaarijta u qaabilsanaa Gobolka Mudug ayaa maanta isku soo dhiibay Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee ka howlgala degmada Hobyo iyo deegaanada hoos taga, sida uu Warbaahinta Qaranka u xaqiijiyey Taliyaha Booliska Hobyo L/Xidigle Maxamed Cadceed. Cabaas ayaa saraakiisha ciidanka u sheegay in Khawaarijta uu uga biiray degmada Xarardheere, wuxuuna dadka shacabka ah ka uruuri jiray lacago iyo xoolo baad ah, ciidamada qaranka ayaa mar ku dhaawacay duleedka deegaanka Xinlebi ee gobolka Mudug. Ninkaan ayaa sheegay inuu u adkeysa waayey xaaladda ay ku jiraan kooxaha Khawaarijta ah ee duurka fog ku dhuumaaleysanaya, waxaana u suurta-gashay inuu xiriir lasoo sameeyo saraakiisha ciidamada qaranka, iyadoo looga hortegay aagga deegaanka Caad.
Shaqo joojin lagu sameeyey madixii ciyaaraha fudud ee Somalia oo Paris u jooga shaqo xasaasi ah
WARARKA

Shaqo joojin lagu sameeyey madixii ciyaaraha fudud ee Somalia oo Paris u jooga shaqo xasaasi ah

28-July-2024" Gudoomiyaha xiriirka ciyaaraha fudud ee Soomaaliya oo shaqo joojin lagu sameeyey iyo jawaabta uu ka bixiyey Gudiga fulinta ee ciyaaraha fudud ayaa kulan ay yeesheen waxaa ka soo baxday in shaqo joojin lagu sameeyo guddoomiyihii ciyaaraha fudud ee Soomaaliya Faarax Cali Macalin. Guddoomiye Faarax oo hadda howlo shaqo u jooga dalka Faransiiskagaar ahaan caasimaddiisa Paris, ayaa shaqada laga joojiyey kadib markii ay arrintiisa ka fariisteen xubno guddi ah. Faarax Cali Macallin oo ku sugan Paris ayaa u waramay idaacadda VOA, wuxuuna kq jawaabay xil ka qaadista lagu sameeyey, sidoo kale wuxuu faahfaahin ka bixiyeysida ay howlaha ciyaaraha Olombikadu uga socdaan magaalada Paris iyo ka qeybgalka Soomaaliya ee ciyaarahaasi. Guddoomiye Faarax ayaa sheegay in isagoo shaqo ...
Daawo” Somali Safar Baaskiil Oo Ka Biloowday Muqdisho Ku Tagay Magaalada Gaalkacyo
WARARKA

Daawo” Somali Safar Baaskiil Oo Ka Biloowday Muqdisho Ku Tagay Magaalada Gaalkacyo

July 28, 2024 Amniga soo hagaagaya tan iyo markii Madaxweyne Xasan Sheekh uu la wareegay talada Ayaa ku dhiirigeliyay ninkan in uu bareero safarka baaskiilka in uu ku maro dhulkii laga xoreeyay argagixisada Maxamed Xasan wehliye ilkacase ayaa lagu soo dhaweeyay magaalada Gaalkacyo oo uu gaaray 21 maalmood kadib markii safar baaskiil oo ka biloowday Muqdisho uu ku maray masaafo dhan 750km si uu u dhigo record cusub 🚴🚴‍♀️🚴‍♂️
Xildhibaan ka tirsan BFS oo shaaciyay in awoodihii laga qaaday 4 wasiir + Sababta
WARARKA

Xildhibaan ka tirsan BFS oo shaaciyay in awoodihii laga qaaday 4 wasiir + Sababta

28-July-2024 " Muqdisho Xildhibaan Saadaq Cabdullahi Cabdi oo kamid ah mudanayaasha BFS oo ka hadlayay hubkii lagu boobay degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud ayaa sheegay inay dambiyo kale ka dhasheen hubkaas oo si sharci darro ah lagu soo geliyay dalka. Xildhibaanka ayaa sheegay in dambiga koowaad ay gashay cidda hubka soo gelisay dalka, midka labaadna uu yahay dhimashada iyo dhaawaca ka dhashay dagaalkii uu sababay hubkaasi, dambiga kalena waxa uu tilmaamay inay gashay cidda amarka siisay ciidamada NISA ee soo galbiyay gaadiidka siday hubkaasi. Saadaq oo hadalkiisa sii wata ayaa dhinaca kale shaaca ka qaaday in awoodihii laga qaaday wasaaradaha muhiimka ah ee dowladda, sida amniga, gaashaandhigga, maaliyadda iyo  dibadda, wuxuuna tilmaamay in shaqsiyaad awood leh l...