WARARKA

Taliye Ka Tirsan Galmudug Iyo Ilaaladiisa oo Qarax Lagu Dilay
WARARKA

Taliye Ka Tirsan Galmudug Iyo Ilaaladiisa oo Qarax Lagu Dilay

February "7" 2021 Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Taliyaha Ciidanka Nabadsugida Magaalada Dhuusamareeb ee Maamulka Galmudug C/rashiid Cabdi Nuur Shiiq doon oo Qarax xoogan lagula eegtay duleedka Magaladaas. Qaraxaas oo ahaa miino dhulka lagu aasay ayaa waxaa lala eegtay gaari Tikniko oo ay la socdeen Taliyihii Ciidanka NISA ee Dhuusamareeb iyo ilaaladiisa, xili ay socdaal ku marayeen meel ku dhow deegaanka Ceeldheere oo 30-KM u jira Caasinadda Galmudug. Saraakiil ka tirsan Galmudug ayaa sheegay in Taliye C/rashiid Cabdi Nuur oo loo yaqaanay Qooje iyo ilaaladiisa ay ku geeriyoodeen qaraxii lala beegsaday, kaasi oo dadka deegaan ay sheegeen inay jugtiisa siweyn u maqleen.
Wafdi Ka Socda Mareykanka Oo Soo Gaaray Magaalada Muqdisho + Ujeedka
WARARKA

Wafdi Ka Socda Mareykanka Oo Soo Gaaray Magaalada Muqdisho + Ujeedka

February "7 " 2021 MUQDISHP- Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka ayaa Maanta waxaa soo gaaray wafdi ka socda dowladda Mareykanka gaar ahaan Wasaaradda Arrimaha Dibadda, iyagoona soo dhaweyn loo sameeyay. Wafdigaan oo ku yimid sida la sheegay laba diyaaradood ayaa kasoo degay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, waxaana halkaas kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya. Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Maanta waxaa lagu wadaa in kulan gaar ah uu la qaato wafdiga ka socda Mareykanka iyo Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto Warar la helayo ayaa waxaa ay sheegaya in kulanka oo ka dhici doona Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde looga hadli doono xaaladda siyaasadeed ee dalka, is marin waag...
Madaxda Soomaaliya Waxa Ay Ku Guuldareysteen  Inay jabiyaan Ismariwaagii Ka Taagan Doorashooyinka Dalka
WARARKA

Madaxda Soomaaliya Waxa Ay Ku Guuldareysteen Inay jabiyaan Ismariwaagii Ka Taagan Doorashooyinka Dalka

February " 6" 2021" https://www.theguardian. Waqtiga kama dambaysta ah ee lagu dooranayo madaxweynaha cusub waxay u egtahay in la seegay ka dib markii wadahadaladii ay burbureen Madaxda Soomaaliya ayaa ku guuldareystay inay jabiyaan ismariwaaga ka taagan doorashooyinka dalka, iyadoo aysan jirin waddo cad oo cod loo qaado maalmo uun ka hor inta uusan dhammaan waqtiga dowladda. Dalka jilicsan ayaa loo badinayaa inuu seego 8-da Febraayo ee loo qabtay doorashada madaxweynaha cusub kadib wadahadalo maalmo socday oo u dhaxeeyay dowlada dhexe iyo dowladaha federaalka ayaa burburay Jimcihii. Ismariwaaga ayaa keeni kara qalalaase siyaasadeed oo ka jira waddanka geeska Afrika oo horeyba uga horyimid kacdoon Islaami ah oo rabshado wata, duulaan ayax iyo cunno yari ba'an. .Advertise...
Midowga Musharaxiinta oo Kulan La Qaatay Ururrada Bulshada Rayidka
WARARKA

Midowga Musharaxiinta oo Kulan La Qaatay Ururrada Bulshada Rayidka

February "6" 2021 MUQDISHO- Midowga Musharaxiinta u taagan qabashada Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Maanta hotelka Jasiira ee Magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Ururrada Bulshada Rayidka Soomaaliyeed. Kulanka ayaa intii uu socday waxaa looga xaaladda siyaasadeed ee dalku marayo iyo khilaafka ka taagan qabsoomida doorashooyinka Soomaaliya oo weli la isku mari la’yahay. Ururrada Bulshada ayaa Musharaxiinta u sheegay in loo baahan yahay in dalka ay ka dhacdo doorasho heshiis lagu wada yahay, isla markaana ku baaqay in xal laga gaaro khilaafka taagan. Sidoo kale Ururrada Bulshada ayaa Midowga Musharaxiinta u gudbiyay waalaca ay ka qabaan natiijo la’aantii uu kusoo dhammaaday Shirkii Madaxda dowladda Federaalka, kuwa maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ku yeesheen Magaalada...
Farmaajo Ayaa Eedda Fashilka Shirkii Dhuusamareeb  Isaga Riixay Axmed  Madoobe Iyo Dani
WARARKA

Farmaajo Ayaa Eedda Fashilka Shirkii Dhuusamareeb Isaga Riixay Axmed Madoobe Iyo Dani

February "6" 2021 " MUQDISHO- Farmaajo oo ahaa masuuulkii ugu horeeyay ee sababay fashilka ku yimid shirkii dhuusamareeb ayaa eedo u jeediyay axmed madoobe iyo dani , isaga oo Ku tilmaamay caqabadaha siyaasadeed ee soo wajahay heshiiskii doorashada, Maamulada Puntland iyo Jubbaland ayuu Ku riixay farmaajo in ay diideen dhaqan-gelinta heshiiska dhuusamareeb oo caqabadaha ugu horeeya laysla ogolyahay in ay ka timid farmaajo qudhiisa base,yeeshee waxa arintaas uu isaga leexiyay maamulada but land iyo jubaland oo uu yiri waxa ay diideen meelmarinta qodobbadii ay horey u saxiixeen, . “Labo qodob oo kaliya ayaan u soo bandhigay markii aan ku guda jirnay Wadahadalladii Heshiiskii 17-kii Sebteembar, kuwaas oo kala ahaa in laga dhimo Haweenka Soomaaliyeed ee doonayo in ay ka mid...
Shirkii Dhuusamareeb oo Dhabarada Lays Xijiyay Natiijo La,aan
WARARKA

Shirkii Dhuusamareeb oo Dhabarada Lays Xijiyay Natiijo La,aan

February " 2021" BBC Waxaa xalay fashil iyo natiijo la'aan ku soo dhammaaday shir madaxda dowladda federaalka iyo maamul-goboleedyada Soomaalida uga socday magaalada Dhuusamareeb. Shirkaasi oo socday muddo saddex maalmood ah ayaa lagu kala tagay waxaase jirtay in qodobbada qaar xoogaa xal ah laga gaaray, sida ay sheeegtay dowladda Soomaaliya. Madaxweynaha dowladda federaalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxweyneyaasha maamul-goboleedyada Hirshabeelle, Galmudug, Koonfur-Galbeed iyo maamulka gobolka Banaadir ayaa ilaa shan maalmood waxay ku sugnaayeen magaalada Dhuusamareeb halka madaxweyneyaasha Puntland iyo Jubbaland ay halkaa yimaadeen maalmo kaddib. XAYEETSIIN" Arrinta khilaafka doorashada ee muddada dheer soo jiitamayay ayay ahayd in lagu gorfeeyo oo madaxdaasi ...
Farmaajo “Arrimaha Doorashada Iyo Xaaladda Dalka Waxaa Ku Jira Faragelin Shisheeye”
WARARKA

Farmaajo “Arrimaha Doorashada Iyo Xaaladda Dalka Waxaa Ku Jira Faragelin Shisheeye”

6" February "2021" MUQDISHO- CUSBOONEEYSIIN" Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Maanta khudbad ka jeediyay kulankii gaarka ahaa ee Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ku yeeshee Xarunta Villa Hargeysa. Madaxweyne Farmaajo ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo arrimaha doorashooyinka dhacaya oo weli muran xoogan uu ka taagan yahay, iyadoona uu natiijo la’aan kusoo dhammaaday Shirkii Dhuusamareeb. Waxaa uu sheegay in Xildhibaanada Golaha Shacabka ay bedeli doonaan Xildhibaano la doortay, si looga fogaado wax kasta oo keeni khalalaaso siyaasadeed, wuxuuna sheegay in Warbixinta uu jeedinayay aysan aheyn mid ay leeyihiin Muraacadka, xili lagu buuqay. Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa uu tilmaamay in afa...
Aqalka Sare oo Sheegay In Uusan Jirin Kulan Wadajir Ah oo Farmaajo Ka Codsaday Baarlamaanka
WARARKA

Aqalka Sare oo Sheegay In Uusan Jirin Kulan Wadajir Ah oo Farmaajo Ka Codsaday Baarlamaanka

February " 5" 2021 Iyadoo Golaha shacabka Baarlamaanka federaalka Soomaaliya uu soo saaray qoraal Xildhibaanada lagu war galiyay in berri uu jiro kulan gaar ah oo ay Xildhibaanadu yeelan doona, uuna hor imaan doono Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa arrintaasi war kasoo saaray Guddoonka Aqalka sare. Qoraal kasoo baxay Aqalka sare Dowladda Federaalka in uusan jirin kulan wadajir ah oo Madaxweynuhu kasoo codsadey Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare si waafaqsan Qod.57aad (c) ee Dastuurka KMG ah iyo Qod.59 aad (4) ee Xeerhoosaadka Golaha “Dhammaan Senatarada Golaha Aqalka Sare ee BFS waxaa lagu wargelinayaa in uusan jirin kulan wadajir ah oo Madaxweynuhu kasoo codsadey Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare si waafaqsan Qod.57aad (c) ee Dastuurka KMG ah iyo Qod.59 aad (4) ee Xeerhoosaadka Golah...
Beesha Caalamka oo Ka Hor,timid Kulan Uu Farmaajo Codsaday In uu La Yeesho Baarlamaanka Waqtigiisii Dhamaaday
WARARKA

Beesha Caalamka oo Ka Hor,timid Kulan Uu Farmaajo Codsaday In uu La Yeesho Baarlamaanka Waqtigiisii Dhamaaday

February " 5" 2021" Jowhar.com Kadib kulankii uu Madaxweynaha uu la galay safiirrada beesha caalamka 28kii bishii hore ee lagu cadaadiyay ka qeybgalka shirka Dhuusamreeb iyo xal u helidda arrimaha cakiran ee doorashada waxa uu ku dhawaaqay shir 3 maalin soconaya, kadibna uu 5ta bisha baarlamaanka hor tagayo arrinkaan oo su’aalo badan ka dhasheen sababta uu madaxweynuhu ugu baahan yahay kulanka baarlamaanka. Jowhar.com ayaa ogaatay in madaxweyne Farmaajo uu raadinayo muddo kororsi sanad ah oo ay baarlamaanka u kordhiyaan hay’adaha dowladda, isaga oo qaaday dhowr tallaabo oo uu arrinkan ku xaqiijinayo 1- U yeerista Guddoomiya Golaha Shacabka:Dhammaadka bishii hore ayuu Madaxweyne Farmaajo u yeeray guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, isaga oo ka codsa...
Farmaajo oo Muqdisho Ku  soo Fool Leh Iyada oo Aan Wax  Heeshiis Ah Lagu Gaarin Shirka Dhuusamareeb
WARARKA

Farmaajo oo Muqdisho Ku soo Fool Leh Iyada oo Aan Wax Heeshiis Ah Lagu Gaarin Shirka Dhuusamareeb

5" February " 2021 Golaha Shacabka ayaa ku dhawaaqay inuu berri jiro kulan gaar ah oo ahaa kulankii uu Madaxweynaha soo codsaday inuu qudbad u jeediyo golaha. Madaxweyne Farmaajo oo qorshihiisu ahaa inuu maanta hortago golaha ayaa dib u dhac ku yimid kadib markii maanta oo ahayd Jimce ay u ahayd maalin fasax ah xildhibaanada baarlamaanka. Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu wadaa in uu berri oo sabti ah bishuna ay ku beegan tahay 6da Febraayo uu qudbad u jeediyo baarlamaanka, waxaana ka haray oo kaliya muddo labo cisho ah mudada xil hayntiisa. Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in Madaxweyne Farmaajo galabta uu ka soo tagi doono magaalada Dhuusamareeb, iyadoo aan wax natiijo ah laga gaarin shirkii ay u fadhiyeen Madaxda Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir. ...