WARARKA

Xasan Khayre oo ku Baaqay Heshiis Siyaasadeed oo Degdeg Ah In La gaaro Ka hor 8-da February 2021
WARARKA

Xasan Khayre oo ku Baaqay Heshiis Siyaasadeed oo Degdeg Ah In La gaaro Ka hor 8-da February 2021

5" February " 2021 Ra’iisul wasaarihii hore ee dowlada Soomaaliya, ahna Musharrax Madaxweyne Xasan Cali Khayre oo shaley ka hadlay dood uu soo qabanqaabiyay amachadka siyaasadda arrimaha dibadda dalka UK e Chatham House, ayaa sheegay in dalka Soomaaliya uu qarka u saaranyahay inuu galo xasilooni siyaasadeed, hadii ay dhamaato mudada xilka madaxweynaha iyada oo dalka aysan ka dhicin doorasho lagu heshiiyay. Wuxuuna sheegay in laamaha fulinta ee dowlada Soomaaliya uu mudo xileedkoodu ka haray maalmo kooban, halka laanta sharci dajintu ay mar horeba dhamaatay mudo xileedkoodu uu dhamaaday bil kahor. Kheyre oo kamid ah musharaxiinta ugu cad-cad doorashada madaxtinimo ee wadanka ayaa dhanka kale hadalkiisa ku sheegay in dalka Soomaaliyeed uu u baahanyahay hoggaan awood u leh isu ...
Arinta Gobolka Gedo Oo Noqotay Qodobka Ugu Xasaasisan Ee Laysku Mari,Weeysan Yahay Shirka Dhuusamareeb
WARARKA

Arinta Gobolka Gedo Oo Noqotay Qodobka Ugu Xasaasisan Ee Laysku Mari,Weeysan Yahay Shirka Dhuusamareeb

5" February "2021" DHUUSAMAREEB Magaalada Dhuusamareeb waxaa wali ka socda shirka madaxdaxwaynayaasha maamul goboleedyada , gobolka banaadir iyo madaxwayanaha dowladda fedaraalka ee Soomaaliya Maxamed Cabdulahi Farmaajo. Wararka ayaa sheegaya in qodobada muranka ka taagnaa inta badan is-afgarad laga gaaray, balse wali la isku mari la’ayahay qodobka gobolka Gedo.. Madaxda ayaa xalay ilaa saqdii dhexe wadahadlayay arrinta gobolka Gedo ilaa hadda ma jirto natiijo la shaaciyay inay ka soo baxday. Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland waxaa u dhexeeya arrimo sababay in khilaafka doorashada uu sii xoogeysto, waxaana ka mid ah arrinta gobolka Gedo. Dabayaaqadii bishii aanu soo dhaafnay waxaa magaalada baledxaawo ee gobolka Gedo uu dagaal ku dhexmaray cii...
Al-Shabaab oo Mar Kale  Weerar Hoobiyaal Ah Ku Qaaday Dhuusamareeb Iyo Maamulka  Galmudug oo Ka Hadlay
WARARKA

Al-Shabaab oo Mar Kale Weerar Hoobiyaal Ah Ku Qaaday Dhuusamareeb Iyo Maamulka Galmudug oo Ka Hadlay

5" February "'2021 DHUUSAMAREEB Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa xalay weerar hoobiyaal ah ku qaaday Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug, halkaasi uu ka socda shirka wadatashiga ee u dhexeeya Dowladda dhexe iyo Dowladdaha xubnaha ka ah. Xalay ayay Al-Shabaab ayaa sidoo kale waxaa ay weerareen Saldhig ay leeyihiin Ciidanka xoogga, waxaana ku baxay Ciidanka Dowladda ee ku sugan Dhuusamareeb, kuwaasi oo sheegay in ay soo afjareen dagaalkaasi ay soo qaadeen Al-shabaab. Wasiirka amniga Dowlad-Goboleedka Galmudug Axmed Macalin Fiqi oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay ka hor tageen weerarkaasi, ayna khasaaro gaar siiyeen dagaalamyaashii weerarka soo qaaday, waxaa uu intaa ku daray in howlgalkaas lagu dilay 8 ka mid xubnihii weerarka soo qaaday ee ka tirsanaa Al-sha...
Mashruuca Internetka Google ayaa laga xiray Uganda
WARARKA

Mashruuca Internetka Google ayaa laga xiray Uganda

4" February "2021" https://www.monitor.co.ug/uganda Uganda waxay ka mid noqon doontaa 10-ka dal ee Afrika ee khasaari doona marka Google ay dabada ka riixdo Mashruuciisa Internet Balloon. Xiritaanku wuxuu daba socdaa ogeysiis ay Google ku sheegtay in mashruucu ahaa "moodeel ganacsi oo aan sii jiri karin". XAYEEYSIIN" Sannadkii 2019, Loon LLC, oo ah shirkad hoosaad ka ah Alphabet, shirkadda Google ee waalidka ah, ayaa warqad heshiis kula saxiixatay magaalada Kampala saraakiil ka socota Hay'adda Duulista Rayidka ee Uganda, taas oo ah in buuraha sare ee qoraxda ku shaqeeya internetka ee leh qorraxda iyo masas sabaynaya hawada Uganda, laga dhisi doono xarun joog dhan 500,000 oo fuudh Boodhadhka ayaa abuuri lahaa shabakad bilaa hawada ah si ay u siiso isku xirnaanta shabak...
Beesha Caalamka oo Digniin u  Dirtay Shirka Dhuusamareeb
WARARKA

Beesha Caalamka oo Digniin u Dirtay Shirka Dhuusamareeb

4" February " 2021 Qoraalka soo baxay Saaxibada Beesha Caalamka ayaa lagus dhoweeyay kulanka dhexmaraya Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo iyo madaxda Dowladaha Xubnaha ka ah Federaalka oo hadda ka socda magaalada Dhuusomareeb. “Waxaa muhiim ah in dhammaan ka qaybgalayaashu ay si wax ku ool ah uga qaybqaataan si loogu heshiiyo hirgelinta hanaanka doorashooyinka qaran heshiiskaasoo dhowraya qaabka doorasho ee heshiiskii 17kii Sebtember.” Sidoo kale waxa ay beesha Caalamka qoraalka ku sheegeen inay soo dhoweynayaan natiijooyinka kulanka balse ay muhiim tahay in loo wada dhan yahay “Waxaan hoosta ka xariiqeynaa in natiijooyin kasta oo beddel ka ah kii lagu heshiiyay, oo ay ka midyihiin geeddi-socod kale oo kan barbar socda ama doorashooyin qayb ah oo aan loo dhamm...
Is-fahan laga gaaray mid ka mid ah qodobada looga hadlayo shirka Dhuusamareeb
WARARKA

Is-fahan laga gaaray mid ka mid ah qodobada looga hadlayo shirka Dhuusamareeb

4" February " 2021 DHUUSAMAREEB Xilli weli uu magaalada Dhusamareeb uu ka socda shirka dowlad goboleedyada, gobolka Banaadir iyo dowladda federaalka ayaa waxaa lagu soo warramayaa in isu soo dhawaasho ay jirto. Madaxwayne kuxigeenka Galmudug, Cali Daahir Ciid oo BBC u waramay ayaa sheegay in illaa iyo hadda uu shirka si habsami leh uu u socdo, Waxaa uu intaa ku daray in ay jiraan qodobo is-faham laga gaaray. Cali Ciid ayaa carrabka ku dhuftay in qodobka soo xulidda xildhibaanada baarlamaanka ee gobolladii Waqooyi ama Somaliland ay dhinacyada is-fahan ka gaareen. Qodobkii ugu horreyay oo ah dhanka Somaliland inta aan ogahay is-fahan aad u ballaaran ayaa laga gaaray, waxna way ka dhiman yihiin," ayuu yiri madaxwayna kuxigeenka Galmudug. Waxaa uu intaa ku daray in wadaxaajo...
Midowga Musharaxiinta oo ku baaqay shirka Dhuusamareeb inuu noqdo mid loo dhan yahay
WARARKA

Midowga Musharaxiinta oo ku baaqay shirka Dhuusamareeb inuu noqdo mid loo dhan yahay

4" February "2021 Qoraal ka soo baxay Midowga Musharaxiinta ayaa ku baaqay in shirka Dhuusamareeb uu nqodo mid loo dhan yahay si go’aanada ka soo baxaya ay u noqdaan kuwo wada oggol ah oo la meel marin karo ,meteli karana rabitaanka shacabka Soomaaliyeed. Sidoo kale qoraalkan oo soo baxay xilli uu gabagabo maraya shirka Dhuusamareeb ayaa lagu xusay in goluhu uusan aqbalayn in dalka ay xukumaan shaqsiyaad iyo hay’ado muddo xileedkoodu dhamaaday. Qoraalka ayaa Midowga Musharaxiinta waxa ay eedeyn ugu soo jeediyeen dowlada federalka in ammaanka dalka ay dayacday. Halkan hoose ka aqriso qoraalka ka soo baxay Midowga Musharaxiinta
Beesha Caalamka oo Farriin U Dirtay Madaxda Ku Shiraya Magaalada Dhuusamareeb
WARARKA

Beesha Caalamka oo Farriin U Dirtay Madaxda Ku Shiraya Magaalada Dhuusamareeb

3" February "2021 Beesha Caalamka ayaa war kasoo saartay shirka ka socda Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamul Goboleedka Galmudug, kaasi oo u dhexeeya Madaxda Dowladda Federaalka iyo Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada dalka. Qoraal kasoo baxay Saaxiibada Soomaaliya ee Beesha Caalmaka ayaa lagu sheegay in ay soo dhaweynayaan shirkaasi, waxaana madaxda halkaasi ku kulansan ay ku boorriyeen in ay sii wadaan wada xaajoodka, waxaana intaas ay ku dareen in la joogaa xilligii la gaari lahaa is-afgarad  si loo hirgeliyo heshiiskii 17-kii Sebtember ee doorashooyinka Saaxiibbada caalamiga ah ee Soomaaliya waxa ay soo dhoweynayaan wada hadalada socda ee u dhexeeya madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah ee Dhuusamareeb ka socda, waxa  ay...
W.  H. O ” oo Shaacisay Waqtiga Somalia uu Soo Gaari Doono Tallaalka COVID-19
WARARKA

W. H. O ” oo Shaacisay Waqtiga Somalia uu Soo Gaari Doono Tallaalka COVID-19

3" February" 2021 Soomaaliya ayaa heli doonta tallaalka cudurka COVID-19 bishan aynu ku jirno ee Febraayo, sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO. Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka WHO ee Soomaaliya Dr. Mamunur Rahman Malik ayaa VOA u sheegay in Soomaaliya ay heli doonto 1.2 milyan goojo oo ah tallaalka Oxford AstraZeneca. Tallaalkaas ayaa iskugu jira gacanta hore iyo gacanta labaad, waxaana lagu tallaali doonaa 600,000 oo Soomaali ah. Dr. Mamunur Rahman Malik waxa kale oo uu sheegay in bilaha Maarso iyo Abriil ay heli doonto tallaal kale oo lagu tallaalo 20% dadweynaha Soomaalida. Daawooyinka lagu tallaali doono 20% dadka Soomaalida ah ayaa ah lacag la’aan, waxaana bixinaya xarunta Covax oo ay wada dhiseen Hay’adda Caafimaadka Adduunka WHO iyo Isbshaysiga ...
Shirka Dhuusamareeb oo Si, Rasmi Ah  U furmay
WARARKA

Shirka Dhuusamareeb oo Si, Rasmi Ah U furmay

February " 3" 2021" Shirka Wadatashiga Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ayaa goordhow ka furmay magaalada Dhuusamareeb, iyadoo shirka uu ka dib dhacay waqtigii u qorsheeyay Madaxweyne Farmaajo oo ahaa 1-3 February. Madaxda ka qeybgalaysa shirkan ayaa ku kala aragti duwan ajandaha shirka iyadoo hore shirar kala duwan laga soo saaray heshiis ay adkaatay fulintiisa. Shirkan oo laga yaabo inuu socdo muddo saddex cisho ah ayaa laga yaabaa in dib u dhac ku yimaado ballantii Madaxweyne Farmaajo ee Baarlamaanka labada Aqal inuu khudbad u jeedin doono 5 bisha February oo ku beegan maalinta jimcaha.