WARARKA

Madaafiic Hoobiyeyaal Ah oo Lagu Weeraray Magaalada Dhuusamareeb oo Ay U Hoydeen Madaxda Dowlada dhaxe iyo Kuwa Maamul Goboleedyada
WARARKA

Madaafiic Hoobiyeyaal Ah oo Lagu Weeraray Magaalada Dhuusamareeb oo Ay U Hoydeen Madaxda Dowlada dhaxe iyo Kuwa Maamul Goboleedyada

2" February " 2021" DHUUSAMAREEB Warar goordhow na soo gaaray ayaa sheegaya in tiro hoobiyeyaal caawa ku soo dhaceen magaalada Dhuusamareeb, halkaasoo caawa ku hoyanayaan Madaxweyne Farmaajo, Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Madaxweynayaasha Hirshabelle iyo Koofur Galbeed. Madaafiicda hoobiyeyaasha ayaa ku soo dhacay agagaarka magaalada iyo garoonka diyaaradaha, iyadoo aan si dhab ah loo ogeyn khasaaraha ka dhashay. Wararka ayaa sheegaya in illaa 10 madfac ku soo dhaceen magaalada, waxaana dadka deegaanka cabsi weyn ka muujiyeen. Hoobiyeyaasha caawa ku soo dhacay Dhuusamareeb ayaa ku soo aaday, xilli magaalada shir uga furmayo ku sugan Madaxda dowldda Federaalka iyo kuwa dowlad Goboleed oo berri furmaya.
Cabdi Xaashi oo Sheegay Inuu Ka Qaybgalayo Shirka Dhuusamareeb
WARARKA

Cabdi Xaashi oo Sheegay Inuu Ka Qaybgalayo Shirka Dhuusamareeb

1" February "2021" Guddoomiyaha Aqalka sare ee Baarlaaanka Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa sheegay in uu maalinta berri ah ku wajahan yahay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Maamulka Galmudug. Cabdi Xaashi ayaa ku wargeliyay Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor inuu maalint berri imaan doonaan Dhuusamareeb isaga iyo wafdi uu hoggaaminayo, waxaana uu Madaxweyne Qoorqoor ku bogaadiyay Gogosha taalla Magaalada Dhuusamareeb ee looga hadlay marxaladda siyaasadeed ee dalka. Waxaana uu intaas ku daray in arrimaha taagan ee looga hadlayo ay ka mid tahay khilaafaadka arrinta Xildhibaannada Gobolada Waqooyi, taasi oo horay khilaaf uu kaga dhashay.
Madaxweyne Farmaajo oo Gaaray Magaalada Dhuusamareeb
WARARKA

Madaxweyne Farmaajo oo Gaaray Magaalada Dhuusamareeb

February "1'2021" DHUUSAMAREEB- Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya maaxmed Cabdulaahi farmaajo iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta maamul Goboleedka Galmudug, iyadoo si weyn loogu soo dhaweeyay halkaasi. Madaxweynaha Galmudug  Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo mas’uuliyiin kale ayaa kusoo dhaweeyay Garoonka Diyaaraha Caasimadda Galmudug ee Ugaas Nuur  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo. Socdaalka Madaxweynaha  JFS Farmaajo ayaa la xiriira qabsoomida shirkii u dhawaan ku baaqay ee dhexmari doona Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladdaha xubnaha ka  ah, shirkaas oo ay marti gelineyso Dowlad Goboleedka Galmudug.
Kooxda Shabaab Ayaa Ka Hadashay Sababta Ay U Dileen Gen. Maxamed Nuur Galaal
WARARKA

Kooxda Shabaab Ayaa Ka Hadashay Sababta Ay U Dileen Gen. Maxamed Nuur Galaal

February " 1" 2021 Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa war kasoo saaray weerar Qaraxyo ku billawday oo ay shala galab ay ku qaadeen Hoteelka Afrik , waxaana weerarkaasi lasoo afjaray xalay goordambe iyadoo ay ku dhinteen dad shacab ah iyo Mas’uuliyiin. Bayaan lagu faafiyay Baraha Internet-ka ee Al-Shabaab ayaa waxaa lagu faah faahiyay weerar kaasi, iyo cidda la doonayay in lagu bartilmaameedsado. Al-shabaab waxaa ay sheegeen in bartilmaameedka Koowaad ee Weerarku uu  ahaa  Alle ha u naxariistee Generaal  Maxamed Nuur Galaal, oo ka mid noqday dadkii xalay ku dhintay Weerarkii ay Al-shabaab ku qaadeen Hoteel Afrik. Qoraalka kasoo baxay Al-Shabaab ayaa waxaa lagu sheegay in muddo dheer ay baadi goob xooggan ku hayeen Gen.Maxamed Nuur Galaal, waxaa ay intaas ay ku dareen...
Madaxda Soomaalida oo uu shir uga furmayo Dhuusamareeb
WARARKA

Madaxda Soomaalida oo uu shir uga furmayo Dhuusamareeb

February " 1 " 2021 "DHUUSAMAREEB- Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug waxaa si weyn uga socota qaban-qaabada shirka Madaxda Dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada iyo gobolka Banaadir. Waxaa maanta gaaray magaalada qaar ka mid ah madaxdii shirkan ka qeyb gali laheyd, iyadoo ammaanka magaalada si weyn loo adkeeyay. Shirkan ayaa waxaa ku baaqay madaxweyne 30-kii bishan, kadib kulan uu Muqdisho kula yeeshay wakiilada beesha caalamka. Madaxweynaha Hirshabeelle Oo Ka Degay Magaalada Dhuusamareeb Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe iyo wafdi uu hoggaaminayay ayaa Goordhow gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug, iyadoo halkaas lagu soo dhaweeyay. Madaxweyne Guudlaawe iyo wafdigiisa ayaa waxaa Garo...
Xasan Sheekh;”General Galaal waxa uu ahaa Halyeey Qaran”
WARARKA

Xasan Sheekh;”General Galaal waxa uu ahaa Halyeey Qaran”

February " 1 " 2021 Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka tacsiyeeyay dadkii ku dhintay weerarkii Hotel Afrik si gaar ah Allaha U Naxariistee Gen. Maxamed Nuur Galaal oo xilal kala duwan kasoo qabtay Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Qoraal uu soo dhigay Bartiisa Facebook ayuu ku sheegay Xasan Sheekh oo ka mid ah musharaxiinta xilka madaxtinimada in Marxuum Galaal uu ahaa halyey qaran oo kaalin wanaagsan ka qaatay difaaca dalka, isla markaana uu tusaale u ahaa guud ahaan Soomaalida. “Waxaan murugada la qeybsanayaa dhammaan ummadda Soomaaliyeed & ehelada dadkii ku geeriyooday weerarkii Hotel Afrik, si gaar ah waxaan uga tacsiyeynayaa geerida marxuum Gen. Maxamed Nuur Galaal oo ahaa halyey dalkeenna soo difaacay. Waxaan Alle uga baryayaa naxariistiis...
Jubbaland oo Ka Shirtay Amniga Doorashada Xildhibaanada Baarlamaanka
WARARKA

Jubbaland oo Ka Shirtay Amniga Doorashada Xildhibaanada Baarlamaanka

1 "February"2021 Kismayo" Madaxweyne ku-xigeenka dowlad Goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa maanta oo Isniin ah shir-gudoomiyay kulanka bilaha ah ee Golaha amniga heer Dowlad Goboleed, kaasi oo ka lagu qabtay Magaalada Kismaayo. Kulanka ayaa intii uu socday waxaa looga hadlay amniga deegaanada Jubbaland, howlgaladii ugu dambeeyay Ciidanka Maamulka fuliyeen iyo sidii loo dardar-gelin lahaa howlgalada ka dhan  ah Al-shabaab. Madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland ayaa saraakiisha uu kulanka la qaatay kala hadlay u diyaar garoowga sugida amniga doorashooyinka Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ee ka dhaceysa Jubbaland. Dhanka kale, Maxamuud Sayyid Aaden ayaa tacsi u diray eheladii iyo qaraabadii ay ka  geeryoodeen dadkii ku waxyeeloobay weerarkii Al-shabaab k...
Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo Gaaray Magaalada Dhuusamareeb
WARARKA

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo Gaaray Magaalada Dhuusamareeb

1" February "2021 Dhuusamareeb- Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicaiis Xasan Maxamed Lafta-gareen iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa daqiiqado kahor gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Galmudug. Garoonka diyaaradaha ayaa waxaa Madaxweyne Lafta-gareen iyo wafdigiisa kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo xubno kale oo ka tirsan Maamulkiisa, waxaana loo galbiyay dhinaca Madaxtooyada. Madaxweyaha Koonfur Galbeed ayaa ka qeyb galaya Shirka Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada oo Maanta ka furmaya Magaalada Dhuusamareeb. Sidoo kale Caasimadda Galmudug ayaa waxaa ku wajahan Madaxweyneyaasha maamul Goboleedyada, kuwaasi oo ka qeyb galaya Shirka, waxaana socota qaban-qaabadii ugu dambeysay ee lag...
Hotel ku yaalla Muqdisho oo qarax lala beegsaday iyo dabley gashay gudaha hoteelka
WARARKA

Hotel ku yaalla Muqdisho oo qarax lala beegsaday iyo dabley gashay gudaha hoteelka

31" January " 2021 Muwdisho Qarax xooggan ayaa ka dhacay hotelka Afrik ee magaalada Muqdisho, oo ku yaalla waddo aada garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde. Warar horudhac ah ayaa sheegaya in dabley la rumeysan yahay inay yihiin Al-Shabaab ay galeen hoteelka, islamarkaana ay rasaas xooggan is-weydaarsanayaan ciidamada amniga.Illaa iyo hadda lama oga khasaaraha ka dhashay qaraxan iyo weerarka xigay, mana jiraan mas’uuliyiin ka hadlay weerarka. “Baabuur xowli ku socda ayaa ku qarxay meel u dhow hotelka iyo bar control, waxaana xigay rasaas xooggan,” waxaa sidaas yiri Cali Cabdullaahi oo goob ganacsi ku leh aagga, lana hadlay Reuters. Cali ayaa intaas ku daray inuu rumeysan yahay inay dabley galeen hotelka.Ciidamada amniga ayaa lagu warramayaa inay aagga isku hareereeyeen. Afhaye...
France iyo Germany   Ayaa Digniin U Diray Shirkada AstraZeneca Iyaga oo Wal,wal Ka Qaba Talaalka Covid -19  Ee Ku Yaraaday Dalalka  Midowga Europe In Loo Weeciyay Britain
WARARKA, WORLD

France iyo Germany Ayaa Digniin U Diray Shirkada AstraZeneca Iyaga oo Wal,wal Ka Qaba Talaalka Covid -19 Ee Ku Yaraaday Dalalka Midowga Europe In Loo Weeciyay Britain

31" January " 2021 https://amp.theguardian.com/society/2021/jan/31/france-germany-threaten-covid-astrazeneca-vaccine-shortageeu-uk Faransiiska iyo Jarmalka ayaa ku hanjabay in tallaabo sharci ah laga qaadi doono shirkadda dawooyinka ee Anglo-Swedish ee AstraZeneca ee isku dhacan sababo la xiriira yaraanta talaalka coronavirus ee EU Wadahadalada u dhaxeeya gudiga midoowga yurub iyo soo saarayaasha talaalka ayaa kusii socda saad la, aanta, iyada oo Brussels ay walaac ka muujineyso in qiyaasaha laga yaabo in laga weeciyay dhirta Belgium iyo Jarmalka loona aaday UK. Midowga Yurub wuxuu rabaa in AstraZeneca ay ka siiso qiyaaso labadeeda dhir oo ku kala yaal Oxford iyo Staffordshire si ay ugu wanaagsanaato dhibaatooyinka soo saar ee Beljamka, soo jeedintaas waa la diiday. Shirkadda a...