WARARKA

Faah Faahin:-Rasaas Xoogan Oo Weli Laga Maqlayo Hotel Afrik Oo Weerar Lagu Qaaday
WARARKA

Faah Faahin:-Rasaas Xoogan Oo Weli Laga Maqlayo Hotel Afrik Oo Weerar Lagu Qaaday

31" January "2021 Warar kala duwan ayaa lag helayaa Qarax ka dhacay Magaalada Muqdisho, gaar ahan waddada aadda Garoonka Diyaaradaha ee Aaddan Cadde, waxaana Qaraxu uu si gaar ah uga dhacay Iridda hore ee Hoteel  Afrik. Qaraxa ayaa waxaa uu ahaa mid loo adeegsaday gaari waxyaabaha Qarxa laga soo buuxiyay oo lagu dhuftay Iridda hore ee Hotel Afrik, iyadoona rag hubeysan ay gudaha u galeen Hotelka oo weli ka dhex dagaalamayaan. Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qaraxa, in kastoo aan si dhab ah loo cadeyn karin, maadaama uu dagaal toos ah dhexmarayo ragii weerarka soo qaaday iyo Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda oo doonaya inay howlgalka soo afjaraan. Qaraxyo kale oo ilaa labo qarax ah, kuwaasi oo si xooggan looga maqlay Magaalada Muqdisho. W...
Dhimasho & Dhaawac Ayaa Ka Dhashay ; Qarax goordhow ka Dhacay Muqdisho
WARARKA

Dhimasho & Dhaawac Ayaa Ka Dhashay ; Qarax goordhow ka Dhacay Muqdisho

31" January "2021" Muqdisho- Qarax xoog leh ayaa goor dhow laga maqlay magaalada Muqdisho gaar ahaan agagaarka isgoyska Lambar 4. Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in qaraxan uu ahaa mid ka dhacay agagaaarka bar koontarool oo ah wadada aada garoonka diyaaradaha Aadan Cadde. Qaraxan ayaa ahaa mid gaari waxyaalaha qarxa lagu soo xirey oo lagu dhuftay albaabka hore ee Hotel Afrik ee magaalada Muqdisho. Qaraxa kadib ayaa dabley hubeysan ay gudaha u galeen hotelka iyadoo rasaas badan ay ka dhacayaan gudaha hotelka. Iskahorimaad hubeysan ayaa la sheegay inuu ka dhex socdo gudaha hotelka. Qaraxa oo ahaa mid xooggan ayaa lasoo warinaya in uu ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Maxaa laga filan karaa shirka Dhuusamareeb?
WARARKA

Maxaa laga filan karaa shirka Dhuusamareeb?

MUQDISHO —  31 January " 2021 VOASOMALI Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa xalay waxuu ku dhawaaqey in la qabto shir deg deg ah oo ka dhici doona magaalada Dhuusamareeb, kaasi oo ay yeelanayaan isaga iyo madaxweynayaasha maamul goboleedyada. Shirkan, oo uu madaxweynaha ku baaqay kadib markii uu Muqdisho kula kulmay wakiilada beesha caalamka, ayaa ujeedkiisu yahay in xal looga gaaro muranka ka taagan doorashooyinka Soomaaliya. Haddaba maxaa la filan karaa inuu shirkaasi kasoo baxo? Weriyaha VOA ee Muqdisho Cabdulqaadir Maxamed Cabdulle ayaa warbixin arrinkaasi ku saabsan kasoo direy magaalada Muqdisho. https://www.voasomali.com/a/5758412.html
Axmed Madoobe oo James Swan U Gudbiyay Qorshe Lagu Xalin Karo Arrinta Gedo
WARARKA

Axmed Madoobe oo James Swan U Gudbiyay Qorshe Lagu Xalin Karo Arrinta Gedo

31" January " 2021" KISMAYO Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa maanta qasriga Madaxtooyada ku qaabiley Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya mudane James Swan iyo Madax ka socotey Hay’adaha Qaramada Midoobey sida UNHCR, WFP, FAO iyo WHO. Ugu horreyn Madaxweynaha Jubbaland ay aa Ergayga qaramada midoobey uga mahadceliyey booqashada ay ku yimaadeen Kismaayo iyo dadaalka ay saaxiibada beesha caalamku ugu jiraan sidii xal rasmi ah loogu heli lahaa caqabadaha ku gadaaman sidii doorasho nabdoon wadar ogolna ah dalka uga dhici laheyd. Jubbaland waxay diyaar u tahay wado kasta oo lagu wada hadli karo xal waarana looga gaari karo is fahanwaaga siyaasadeed ee kajira dalka Madaxda qarankuna hormuudka u yihiin, Arrimaha la isku hayo oo ay ugu horreyso arrinta...
Wakiilada Beesha Caalamka oo War Ka Soo Saaray Kulankii Ay LA Yeesheen Farmaajo
WARARKA

Wakiilada Beesha Caalamka oo War Ka Soo Saaray Kulankii Ay LA Yeesheen Farmaajo

30" January "2021 Beesha Caalamka ayaa ka hadashay kulankii Maanta Xarunta Madaxtooyada ee Magaalada Muqdisho kula qaateen Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Qoraal kasoo baxay Xafiiska Qaramada Madoobay ee Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in Beesha Caalamka kala hadashay Madaxweyne Farmaajo taageerada muddada dheer ee Beesha Caalamka siineyso Soomaaliya. Sidoo kale labada dhinac ayaa isla gartay in si Deg deg lagu xaliyo khilaafka ka taagan doorashada, isla markaana wax kasta oo jira lagu dhammeeyo wada-hadal, si xal buuxa looga gaaro muranka soo jiitamayay. Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan, waxaa sharaf u aheyd inuu ka mid noqdo saaxiibbada kale ee caalamka ee maanta kulanka la yeeshay Madaxweyne Maxamed Cab...
USA: Muslimiinta oo soo Dhoweeyay Qaadista Xayyiraaddii Socdaalka
WARARKA

USA: Muslimiinta oo soo Dhoweeyay Qaadista Xayyiraaddii Socdaalka

30" January "2021" VOAsomali.com WASHINGTON D.C. —  Muslimiinta Mareykanka ayaa soo dhoweeyay wareegtadii Madaxweyne Joe Biden uu ku qaaday xayiraddii Madaxweynihii hore Donald Trump uu ku soo rogay dhowr dal oo Muslimiin ah oo ay Somaaliya ku jirto. Wariyaha VOA Yuni Salim ayaa la hadashay qaar ka mid ah Muslimiinta Mareykanka warbixintan ayeyna nooga diyaarisay. Waa kan Cabdixakiin Maxamuud Shirwac oo inoo soo kooba. Halkaan hoose ka dhageeyso https://www.voasomali.com/a/5757907.html
Wakiilada Beesha Caalamka oo Farmaajo Ku Cadaadinaya  In uu Qaado Caqabada Uu Ku Yahay Doorashada
WARARKA

Wakiilada Beesha Caalamka oo Farmaajo Ku Cadaadinaya In uu Qaado Caqabada Uu Ku Yahay Doorashada

30" January 2021 " MUQDISHO- Wakiillada Beesha Caalamka oo LA kulmay Farmaajo ayaa ugu baaqay in uu joojiyo caqabada uu Ku yahay hergelinta doorasho ka dhacada soomaaliya . Shirkan oo uu ka baaqaday safiirka maraykan ayaa waxa tilmaameen in aan lagu garab istaagi karin qaabka aan wanaagsaneeyn ee hada u dhaqmo . Wakiilada beesha caalamka ayaa ka digay qatarta ka dhalan karta dib u dhacyada doorashada oo shacabka iyo dowladd midna aan u wanaagsanaan doonin Madaxweyne Farmaajo ayaa Danjireyaasha iyo Wakiillada Beesha Caalamka ee fadhigoodu yahay Muqdisho la wadaagay sida ay uga go’an tahay dowladda qabsoomidda doorasho daahfuran, iyada oo la raacayo Heshiiskii 17-kii sibteembar 2020 ee ay ansixiyeen Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Madaxweynaha ayaa ka warbixiyey hor...
W.H.O Ayaa Baaq Kasoo Saaray Tallaalka COVID-19
WARARKA

W.H.O Ayaa Baaq Kasoo Saaray Tallaalka COVID-19

30" January 2021 Agaasimaha Guud ee Ururka Caafimaadka Adduunka ayaa Jimcihii  ku baaqay in aan lagu celin khaladaadkii hore ee  tallaalka Cudurka COVID-19 ee Caalamka qeybo ka mid ah laga isticmaalay. Tedros Adhanom ayaa yiri: “Haddii aan la wanaajin hergalinta Tallaalka, ma caawin doonto in la joojiyo aafada Coronavirus,  Annaga ayay nagu xirantahay in aan go’aan gaarno khaladaadka Tallaalka, intii lagu guda jiray shirkii jaraa’id ee uu  toddobaadkan qabtay Agaasimaha Guud ee Ururka Caafimaadka Adduunka. Tirakoob ay sameeysay Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa muujinaya  in ka badan 101.74 milyan oo qof uu ku dhacay cudurkan Corona virus, adduunka oo dhan, halka tirada guud ee dhimashadana ay gaartay laba milyan iyo 195,520. Tedros Adhanom  wuxuu cusbo...
Yamamoto oo Ka Baaqday Kulanka Farmaajo Iyo Wakiilada Beesha Caalamka + Sababta
WARARKA

Yamamoto oo Ka Baaqday Kulanka Farmaajo Iyo Wakiilada Beesha Caalamka + Sababta

30" January " 2021" Muqdisho- Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxaa gaaray Wakiilo ka socda Beesha Caalamka oo oo Maanta halkaas kulan xasaasi ah kula qaadan doona Madaxweynaha dowladda Federaalka Maxamed Cabdullaai Farmaajo. Kulanka ayaa waxaa uu yahay mid looga hadli doono xaaladda siyaasadeed ee dalka gaar ahaan Arrimaha doorashada ka dhacaya Soomaaliya iyo sidii loo xalin lahaa khilaafka ka taagan doorashada. Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Wakiikada Beesha Caalamka ee loo yaqaano C6+ ay Madaxweyne Farmaajo u gudbin doonaan farriimo ay sidaan iyo arrimo la xiriira maamulada Puntland iyo Jubbaland. Safiirka Mareykanka Soomaaliya Danjire Donald Yamamoto ayaa qeyb ka aheyd kulanka ay yeelanayaan Madaxweynaha iyo Wakiilada Beesha Caalamka oo haatan ku sugan Xarunta M...
Covid-19″ Ayay Soo If,baxday Shaki Laga Qabo Saameyn In uu Ku Reebo Bacriminta Awooda Ragga” Daraasad  Ku Boorinaysa Taxaddar Ku Saabsan Caddaymaha Cusub:
WARARKA, WORLD

Covid-19″ Ayay Soo If,baxday Shaki Laga Qabo Saameyn In uu Ku Reebo Bacriminta Awooda Ragga” Daraasad Ku Boorinaysa Taxaddar Ku Saabsan Caddaymaha Cusub:

29" January "2021 https://amp.cnn.com/cnn/2021/01/28/health/sperm-male-fertility-covid-19-wellness/index.html (CNN) Kiisaska daran ee loo yaqaan 'Covid-19' ayaa laga yaabaa inay saameyn ku yeeshaan tayada manida ragga, sidaas awgeedna ay saameyn ku yeelan karto tarankiisa, sida lagu sheegay daraasad cusub oo khamiistii lagu daabacay joornaalka Taranka. "Warbixintaan waxay bixineysaa cadeyntii ugu horeysay oo toos ah ilaa iyo maanta in cudurka COVID-19 uu wax u dhimayo tayada shahwada iyo awooda taranka ragga," ayaa lagu yiri daraasadda. Si kastaba ha noqotee, khubarada aan ku lug laheyn daraasadda ayaa isla markiiba ka shakiyay gabagabada warbixinta waxayna ku booriyeen in laga taxadaraa natiijooyinka cilmi baarista. "Waxaan ubaahanahay inaan sameeyo feejignaan adag oo ku sa...