James Swan;”Ma filayo in doorasho ay ka dhici karto dalka kahor 8da Febraayo”
27" January "2021
Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay James Swan oo shir jaraa’id ugaga hadlay xaalada siyaasada ee dalka Soomaaliya ayaa rajo ka muujiyay in la gaaro heshiis loo wada dhan yahay oo qabashada doorashada dalka Soomaaliya.
James Swan ayaa sheegay in uu la kulmay madaxda dowlada federalka iyo kuwa dowlad goboleedyada iyo siyaasiyiinta kale ee dalka uuna kala hadlay sidii loo gaari lahaa heshiis dhinaca doorashooyinka dalka ah.
Mar uu ka hadlayay Ambassador James Swan ayaa sheegay suurtogalnimada inay doorashada dhacdo kahor 8da Febraayo ayuu ku jawaabay;
“Ma filayo in ay dhici karto kahor 8da Febraayo doorashada labada aqal iyo kan madaxweynaha sababtoo ah waa waqti aad u kooban,balse waxa aan rajeynayaa in la gaaro heshiis loo wada dhan yahay oo...