WARARKA

Daawo;Madaxweyne Xasan Oo maanta dhagax dhigay mashruuca Gateway Complex
WARARKA

Daawo;Madaxweyne Xasan Oo maanta dhagax dhigay mashruuca Gateway Complex

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta dhagax dhigay mashruuca Gateway Complex oo laga hirgelinayo xaruntii bangaariyada. Mashruucan waxaa uu ka kooban yahay hotel 5 Star ah oo leh 261 qol, guryo apartments ah, goobo shirarka lagu qabto iyo goobo laga dukaameysto. Gobolka Geeska Afrika Dalkeenna ayaa ugu mustaqbal fiican, isaga ayaana hoggaamin doono mustaqbalka, maalgashi marka laga hadlayana mustaqbalka ayaa diirradda la saara howl maanta taagan ma’ahan waxa xoogga la saarayo arrin fog, taas oo qaadan karto sannado, Soomaaliya maanta waxa ay cagta saartay dhabbaha horumarka, iyada oo ka soo kabaneysa marxaladihii adkaa ee uu soo maray dalkeenna. "Waa hubaal in guulaha aan gaarnay ka badan aan xaqiijin karnay laga soo billaabo 2000, balse c...
Xogta laga hayo markabka kalluumaysiga ee burcad badeeddu ku haystaan xeebaha Puntland
WARARKA

Xogta laga hayo markabka kalluumaysiga ee burcad badeeddu ku haystaan xeebaha Puntland

Tan iyo horraantii bishan ayaa xeebaha maamul-goboleedka Puntland waxaa lagu haystaa markab kalluumeyssi oo laga leeyahay Shiinaha. Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya cidda haysata markabka. Hase yeeshee intooda badan waxay sheegayaan in markabka uu gacanta ugu jiro burcad badeed hubaysan. Warar kale oo laga soo xigtay ilo ku dhow maamulka waxay sheegayaan in markabka ay qafaasheen rag ilaalo ka ahaa. "Labo ilaa seddex qof oo markabka ilaalinayey ayaa qafaashay, waxayna u yeerteen rag hubaysan oo dhanka berriga uga yimid. Xogta aan ilaa hadda hayno waa in tobaneeyo nin oo hubaysan ay markabka gacanta ku hayaan" ayuu u sheegay BBC qof ka mid ah ilaha dhanka amniga ee Puntland oo magaciisa aan qarinay. Wuxuu intaa ku daray in markabka lagu hayo inta u dhaxaysa xeebaha Eyl iyo Ba...
kulan Villa Somalia ku dhex-maray Xasan iyo Xue Bin
WARARKA

kulan Villa Somalia ku dhex-maray Xasan iyo Xue Bin

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa madaxtooyada qaranka ku qaabilay Ergayga Gaarka ah ee dowladda Shiinaha wakiilka uga ah Geeska Afrika, Xue Bing oo booqasho rasmi ah ku jooga dalkeenna. Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Danjire Xue Bing ayaa ka wada-hadlay xoojinta iskaashiga labada waddan ee dhinacyada amniga, dhaqaalaha, siyaasadda, diblomaasiyadda, ganacsiga iyo waxbrashada si loo kobciyo danaha ay wadaagan Soomaaliya iyo Shiinaha. Madaxweynaha ayaa danjiraha la wadaagay horumarada uu gaaray dalkeenna iyo fursadaha maalgashi ee ka bannaan, taas oo ay wadaagi Sidoo kale wuxuu xusay in Soomaaliya waqtigan u diyaarsan tahay la fal-galidda caqabadaha iyo fursadaha isku sidkan ee ka imaan kara heer gobol iyo kuwa caalamiga ah. Dhankiisa, Danjire Xue Bing ayaa uga maha...
Shirweynaha Meertada 15-aad ee Ururka Daraasaadka Soomaaliyeed oo galay maalintii labaad
WARARKA

Shirweynaha Meertada 15-aad ee Ururka Daraasaadka Soomaaliyeed oo galay maalintii labaad

Shirweynaha meertada 15-aad ee Ururka caalamiga ah ee Daraasaadka Soomaaliyeed oo maalintiisa labaad galay ayaa maanta xoogga lagu soo saari doodo la xiriira hanaanka dowlad dhiska casriga ah iyo Waxbarashada. Shirka ayaa maanta xoogga lagu soo saari doonaa dood la xiriirta Islaamka iyo Dowlad dhiska-Casriga ah, Dhanka kale waxaa isla maanta jiri doono dood kale oo la xiriirta Doorka ay waxbarashada kuleedahay dibudhiska Ummadda Soomaaliyeed, taas oo ay ka qeyb qaadan doonaan aqoonyahanno ka socda bahda Waxbarashada dalka iyo kuwa kale oo ka yimid dalka dibadiisa. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo shalay furay Shirkan ayaa dul istaagay ahmiyadda ay dowlad-dhiska iyo sookabashada Qaranka Soomaaliyeed ay u leedahay, in hab cilmiyeysan loo ...
Xaaladda Ceerigaabo oo degan kadib dagaallo ka dhacay
WARARKA

Xaaladda Ceerigaabo oo degan kadib dagaallo ka dhacay

Dowladda Soomaaliya oo war kasoo saartay dagaalka Ceerigaabo Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshisiinta XFS  ayaa baaq nabadeed u direysa beelaha walaalaha ah ee colaadda ku dhexmareyso magaallada Ceerigaabo ee Gobolka Sanaag. Qoraal kasoo baxay wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS ayaa dhinacyada dagaalamay loogu baaqay in si shuruud.la’aan ah ay ku joojiyaan colaada sababtay khasaaraha isugu jira dhimasho, dhaawac iyo barakac,wax walbana lagu dhameeyo wada hadal. Maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxaa dagaallo u dhaxeeyo laba beelood oo walaala ah waxa uu ka socday magaallada Ceerigaabo ee Gobolka Sanaag,kaa oo sababay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah. Xaaladda magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag ayaa maanta daggan ka dib dagaallo labadii maalmood ...
Erdogan oo kusoo wajahan Soomaaliya Iyp Itoobiya
WARARKA

Erdogan oo kusoo wajahan Soomaaliya Iyp Itoobiya

Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan ayaa shaaciyay in horraanta sanadka soo socda uu booqasho ku imaan doono Soomaaliya iyo Itoobiya, kaddib heshiis lagu soo afjaray xiisaddii muddada sanadka ku dhow ka dhexaysay dalalkan ku yaalla Geeska Afrika. “Waxaan booqan doonaa Itoobiya iyo Soomaaliya labada bilood ee ugu horreeya sanadka cusub,” ayuu yiri Erdogan oo Axaddii shalay. Waxa uu soo hadal qaaday heshiiskii Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ku dhexmaray magaalada Ankara 11-kii bishan December, kaasoo ahaa dhamaadka dadaallo dhex-dhexaadin ah oo dowladda Turkiga sameysay. Labadan hogaamiye ee Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa ku heshiiyey in ay soo afjaraan khilaafkii ka dhashay heshiiska Badda Somaliland ka dib wadahadalo saacado...
Madaxweyne Xasan oo guddoomiyay shirka amniga qaranka iyo qodobo xasaasi ah oo looga hadlay
WARARKA

Madaxweyne Xasan oo guddoomiyay shirka amniga qaranka iyo qodobo xasaasi ah oo looga hadlay

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey Shirka Golaha Amniga Qaranka oo maanta ku qabsoomay xafiiska Amniga Qaranka. Shirkan ayaa ku saabsanaa xaaladda guud ee amniga iyo qorshaha kala guurka howlgalka ATMIS, iyadoo ay ka qeyb-galeen Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, Ku-xigeenkiisa Mudane Saalax Axmed Jaamac, Wasiirrada xubnaha ka ah Golaha Amniga Qaranka iyo Taliyeyaasha Ciidamada Qaranka . Intii uu shirka socday, waxaa lagu falanqeeyey istaraatiijiyadda xoojinta amniga qaranka iyo dhammeystirka dib u habeynta ciidamada Soomaaliyeed oo haatan ku howllan buuxinta amniga goobaha ay bannaynayaan howlgalka nabad ilaalinta Soomaaliya ee ATMIS iyo diyaar garowga howlgalka cusub ee AUSSOM . ...
NISA oo soo bandhigtay xogta tallaabooyin adag oo Al-Shabaab ay ka qaaday
WARARKA

NISA oo soo bandhigtay xogta tallaabooyin adag oo Al-Shabaab ay ka qaaday

Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA oo xirtay in ka badan 12 kun oo Akoon, kuwaas oo ay Khawaarijtu u isticmaali jirtay faafinta wararka been-abuurka ah iyo marin-habaabinta dadka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA oo kaashanaysa Hay’adaha Dowladda Federaalka ee qaabilsan Internet-ka iyo Warbaahinta ayaa ku guuleysatay in ay xirto 12,010 Akoon, oo isugu jiray Baro Bulsho iyo Website-yo wararka lagu daabaco, kuwaas oo ay Khawaarijtu u adeegsan jirtay faafinta fikirka argagixisada,” ayaa lagu yiri qoraalka NISA. Hay’adda ayaa qoraalkeeda ku soo bandhigtay tirada akoonada baraha bulshada ee laga xiray kooxda Al-Shabaab, horay wasaaradda warfaafinta ayaa u sheegtay in Shabaab laga xiray barahoodii ay bulshada kula wadaagi jireen afkaartooda. Baraha l...
South Sudan 17 jirada ayaa 3-0 kaga badiyay Soomaaliya ciyaar ka tirsan isreebreebka CECAFA
WARARKA

South Sudan 17 jirada ayaa 3-0 kaga badiyay Soomaaliya ciyaar ka tirsan isreebreebka CECAFA

Xulka Kubadda Cagta South Sudan ee da'doodu ka hooseyso 17-jirada ayaa guul soo laabasho ah ka gaartay Soomaaliya, kaddib markii ay 3-0 kaga badiyeen Soomaaliya, ciyaartii furitaanka ee isreeb-reebka CECAFA U-17 2024, oo lagu qabtay Nakivubo Hamz Stadium, Uganda December 15, 2024. Guushan cajiibka ah waxay u soo jiidanaysaa Xiddigaha Da'yarta ah inay ku soo baxaan hogaanka Group B, taasoo muujinaysa bilawga rajo ee safarkooda tartanka. Markii la isku soo laabtay qeybtii hore ee ciyaarta ayaa South Sudan waxa ay soo bandhigtay qaab ciyaareed awood badan,waxana ay dhaliyeen labo gool oo muhiim ah oo xiriir ah intii lagu guda jiray qeybtii hore ee ciyaarta—hal daqiiqaddii 38-aad iyo mid kale wax yar ka hor qeybta nasashada daqiiqadii 45-aad. Awooda taatikada ee kooxda ayaa ka muuqata...
Dheeho : Barcelone oo la kulantay guuldaro, Manchester Derby: City Iyo United +
SPORTS, WARARKA

Dheeho : Barcelone oo la kulantay guuldaro, Manchester Derby: City Iyo United +

Pep Guardiola ayaa sheegay in hurdadiisa ay la soo deristay dhibaatada sii xumaaneysa ee Manchester City, Pep Guardiola ayaa sheegay in hurdadiisa ay la soo deristay dhibaatada sii xumaaneysa ee Manchester City, sidaas darteed uusan ku caawin doonin gabagabada riyooyinka ah ee mid ka mid ah guuldaradii ugu yaabka badnayd ee uu soo gaaray mudada dheer ee uu xukunka hayay. Guardiola ayaa u muuqday mid kacsan xitaa ka dib markii uu City hogaanka u dhiibay Manchester derby waxaana madax ku dhaliyay Josko Gvardiol daqiiqadii 36aad, jawaab celintii uu ka bixiyay goolkaas oo ahaa mid ku dhawaaday inuu ku nacsado taasoo ka soo horjeeday qaab ciyaareedkiisa saafiga ah. Waxa uu keligii fadhiistay isaga oo indhihiisu xidhan yihiin oo ka cabbaya caagad biyo ah ka hor intii aan la isku soo laa...