30,November 2020 Goal.com
Weeraryahanka Manchester United ayaa qoray ka dibna markii dambe tirtiray jawaab uu ku qoray boggiisa Instagram taas oo loo qaadan karo inay tahay wax laga xumaado xaaladaha qaarkood, Edinson Cavani ayaa raaligelin ka bixiyay qoraal baraha bulshada la soo dhigay oo xambaarsan eray Isbaanish ah oo loo turjumi karo mid meel ka dhac ku ah sida xiriirka kubada cagta ay u eegeen sheekada weeraryahanka Manchester United ee Instagram.

Xiddiga reer Uruguay ayaa jawaabtiisa soo dhigay bartiisa Instagram fiidnimadii Axada ka dib markii uu ku hogaamiyay kooxda Ole Gunnar Solskjaer guushii ay ka gaareen Southampton garoonka St Mary’s isagoo dhaliyay labo gool qeybtii labaad.
33 jirkan ayaa u jawaabayay dhambaalka hambalyada ah ee saaxiibkiis laakiin wuu tirtiray qoraalka ka dib markii la ogaaday sida ereyga loogu fasiri karo UK.
Wuxuu la wadaagay qaar ka mid ah fariimihii wanaagsanaa ee uu ka helay taageerayaasha guushii guusha wuxuuna ugajawaabay hal qoraal fariin “Gracias n “.
Waxaa la fahamsan yahay in weeraryahanku rumeysnaa inuu ula dhaqmayo si saaxiibtinimo saaxiibkiis markii loo keenayna sida uu u fasiri karo, wuxuu si dhaqso leh ugu dhaqaaqay inuu tirtiro boostada. Waxaa la fahamsan yahay in United ay ka warqabto boostada laakiin weli FA-ga wax xiriir ah kalama soo sameynin.

Bayaan uu soo saaray, Cavani wuxuu raaligelin ka bixiyay wixii dambi ah ee uu sababay, wuxuuna yiri: “Fariinta aan soo dhigay ciyaarta kadib axadii waxaa loogu talagalay salaan kalgacal leh oo saaxiibkey ah, waxaan uga mahadcelinayaa hanbalyeentiisa ciyaarta
Waxa ugu dambeeya ee aan doonayo inaan sameeyo waxay ahayd inaan qof walba sabab u noqdo. Waxaan gebi ahaanba ka soo horjeedaa cunsuriyadda waana tirtiray fariinta isla marka la sharaxo in si kale loo fasiri karo. Waxaan jeclaan lahaa inaan si kal iyo laab ah uga raaligeliyo tan.
Bayaan ay soo saartay Manchester United ayaa waxay intaas ku dartay: “Way noo cadahay in gabi ahaanba aysan jirin ujeedo xaasidnimo ah oo ka dambeysa fariinta Edinson wuuna tirtiray isla markii lagu wargaliyay in si khaldan loo fahmi karo.
“Edinson wuxuu raaligalin ka bixiyay dambi kasta oo aan ula kac aheyn oo uu sababay. Manchester United iyo dhamaan ciyaartoydeena waxaa si buuxda uga go’an la dagaalanka cunsuriyada.”
Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Manchester City Bernardo Silva ayaa loo ganaaxay hal kulan oo ganaax ah iyo ganaax lacageed sanadii 2019 kadib markii baraha bulshada la soo dhigay taas oo tixraac ka muujineysa tartankii Benjamin Mendy isla markaana FA-ga ay u arkeen inuu ahaa ‘jebinta sharci darada ah’ sharciyadeeda baraha bulshada la soo dhigay

Dhawaan, kubadsameeyaha Tottenham Dele Alli waxaa lagu soo rogay ciqaab la mid ah – ganaax hal kulan ah, ganaax iyo waajibaad ah in la qaado koorso waxbarasho – kaftan lagu baahiyo internetka oo la xiriirta coronavirus.
Hay’adda maamulka ayaa keentay siyaasado cusub oo lacag lagu soo rogo iyo tilmaamo lagu cunaqabateynayo kala-takoorka shaqsiyaadka kaqeybgalayaasha ah iyo daawadayaasha bilowga xilli ciyaareedkan iyo ganaaxa ugu yar, dadka lagu soo oogay laguna helay dambi ah inay jabiyeen sharciyada baraha bulshada, waa seddex ciyaar.
Xiriirka FA iyo United ayaan wali si rasmi ah uga hadlin arintaan, balse Cavani ayaa si bilaash ah ugu soo biiray kooxda ka dhisan Old Trafford bishii October waxaana uu dhaliyay seddex gool shan kulan oo bedel uu ku soo galay Premier League.
