31″ December” 2020 MUQDISHO”
Cayaartooyda gobolka Banaadir ayaa maanta ku guuleeystay koobka tartanka kubada cagata maamulgoboleedyda dalka oo sanadii mar la qabto.
DAAWO QAYB KA MID AH CAYAARTA” BANAADIR VS GALMUDUG
Tartankan ooy isku soo hareen Banaadir iyo Galmudug ayaa lagu kala baxay gool ku laad markii 90 kii daqiiqo ee cayaarta loogu talagalay ay labada maamul is la dhaafi waayeen 2-2
Cayaartooyda gobolka Banaadir ayaa dhaliyay 3 gool halka xulka xulka Galmudug ma aysan dhalin wax Gool ah. ,markii goolhayaha xulka Banaadir Hanad uu qabtay saddexgool ku laad taas oo ka dhigtey ciyaarta mid ay xulka Banaadir ku guuleysateen .
Madaxweynaha soomaalia maxamed cabdulaahi farmaajo ayaa hambalyo u diray cayaartooyda gobolka Banaadir guusha ay ka gaareen tartanka ka dams beeysta ayaa ee gobolka,
Madaxweynaha oo bogaadiyey Xulka Dowlad Goboleedka Galmudug oo soo gaaray ciyaarta kama danbeysta ah, ayaa tilmaamay in ciyaartoyda, Macallimiinta iyo Maamulka Kubadda Cagta ee Galmudug iyo Gobolka Banaadir ay muujiyeen xirfad sare, isku xirnaan iyo dadaal ballaaran.
“Hambalyo dhammaan laacibiinta, Tababareyaasha, Garsooreyaasha, Taagereyaasha iyo guud ahaan bahda ciyaaraha Kubadda Cagta ee ka qeyb qaatay Tartanka Dowlad Goboleedyada dalka iyo Maamulka Gobolka Banaadir. Dhammaan waxay soo bandhigteen ciyaar wanaag, xirfad sare, biseyl iyo sida aad dalkeenna ugu matali karaan fagaareyaasha caalamiga ah ee kubadda Cagta.”ayuu yiri Madaxweynaha