Siyaasiga Cabdiraxmaan cabdi Shakuur Warsame ayaa wax lagu xumaado ku tilmaamay in Xil Wasiir loo magacaabo shakhsi uu sheegay in uu horay u dhibaateeyay Xisbiga uu hoggaamiyo ee Wadajir, waxaana madaxweyne Farmajo ku eedeeyay in ay ka go’an tahay dhiiragelinta gacan ku dhiiglayaasha oo uu ula jeedo mid ka mid ah Wasiirada Cusub, kaasi oo lagu Magacaabo C/qaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo horay u ahaa Ku-simaha Taliyaha Nabadsugidda Qaranka.
Waxaana uu sheegay Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame in C/qaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo loo magacabay Wasiirka Caddaaladda uu hormuud u ahaa kooxdii 17-kii Diseembar 2017-kii weerarka ku qaaday xarunta Xisbiga Wadajir
Qaraal uu soo saaray CC Shakuur ayaa u qornaa sida tan:
“Waxaan bogaadinayaa xubnaha loo magacaabay Golaha Wasiirada. Waxaana ILAAHEEY uga baryayaa in uu hawshooda u fududeeyo. Waxaase arrin laga naxo ah in C/qaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo horay u ahaa Ku-simaha Taliyaha Nabadsugidda Qaranka, hormuudna u ahaa kooxdii 17-kii Diseembar 2017-kii weerarka ku soo qaaday xarunta Xisbiga Wadajir loo magacaabo Wasiirka Caddaaladda.
Tani waxay tusaale u tahay sida ay kooxda Madaxweyne Farmaajo uga go’an tahay dhiiragelinta gacan ku dhiiglayaasha, ku tumashada caddaaladda iyo damqinta boogaha. Waxaan ugu baaqaynaa Ra’iisul Wasaare Rooble in uu go’aan degdeg ah arrinkaas ka qaato, iska fogeeyo shakhsiyaadka diiwankoodana madowyahay, kuna caan baxay xadgudubka sharciga iyo ku tumashada xuquuqul insaanka”.