CC Shakuur “Farmaajo Wuxuu Tijaabinaya Inuu Sharci Darro Ku Xukumi Karo Shacabka Muqdisho”

February “16” 2021 MUQDISHO-

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ah Musharax Madaxweyne ayaa shacabka Soomaaliyeed ee ku sugan Magaalada Muqdisho ugu baaqay inay kasoo qeyb galaan Banaanbaxa ballaaran ay ku dhawaaqeen Midowga Musharaxiinta.

C/raxmaan C/Shakuur oo soo duubay muuqaal ayaa shacabka u sheegay in banaanbaxa oo maalinta Jimcada ka dhici doono fagaaraha Daljirka daah-soon ee degmada Boondheere ee Gobolka Banaadir ay hoggaaminayaan Musharaxiinta Madaxweynaha.

Banaanbaxa ayuu sheegay Musharaxa inuu yahay mid nabadeed oo lagu dalbanayo xuquuqda shacabka Soomaaliyeed iyo la qabto doorasho heshiis lagu yahay, isla markaana xusay in kursiga Madaxtinimada dalka aan lagu joojin sifo sharci darro.

Sidoo kale C/raxmaan C/Shakuur ayaa Carabka ku dhuftay in Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu dhammaaday muddo xileedkiisa Dastuuriga ee afarta sanno, isla markaana kursiga uusan ku joojin sifo sharci ah ama mid lagu heshiiyay.

Ugu dambeyn Musharax C/raxmaan C/Shakuur ayaa uga digay cid kasta oo dooneysa inay Carqaladeyso banaanbaxa maalinta Jimcada ka dhici taalada Daljirka daahsoon ee Gobolka Banaadir, isagoo mar kale shacabka ugu baaqay inay kasoo qeyb galaan.

Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha ayaa horey u shaaciyay in banaanbaxa uu dhici, kaasi oo ah mid nabadeed, iyagoona laamaha amniga dowladda kla dalbaday inay sugaan amniga Musharaxiinta iyo dadka qeyb galaya intaba.

Leave a Reply