27,November, 2020,Muqdisho “
Siayaasiga Cabdiraxmaan C/Shakuur Warsame ayaa sheegay in hadalkii shalay kasoo yeeray Duqa Muqdisho Cumar Filish uu yahay mid Midowga Murashixiintu ay u qaadanayaan Hanjaabaad cad.

Waxaana uu intaas ku daray Cabdiraxmaan cabdi Shakuur in hadalkaasi uu yahay Farriin ka timid Madaxweyne maxamed Cabdullaahi Maxamed farmaajo, sidoo kale waxaa uu sheegay in mas’uuliyadda natiijada ka dhalata falka colaad hurinta ah ay qaadayso xukuumadda oo uu sheegay in ay ku howlan tahay hurin Colaadeed.
“olaha Midowga Murashaxiinta wuxuu dhab u qaadanayaa hanjabaadda Guddoomiyaha Gobolka in ay tahay farriin ka timid Madaxweyne Farmaajo toosna ugu socota xubnaha Midowga Murashaxiinta, wuxuuna caddeynayaa in Madaxweyne Farmajo uu qaadayo mas’uuliyadda natiijada ka dhalata falka colaad hurinta ah ee ay xukuumadiisu ku hawlan tahay”ayuu yiri CC Shakuur
