24″ October “2022” BBC’ Goal.com
Shan kooxood ayaa hore u goostay booskooda wareega 16-ka ee Champions League- haddaba yaa qaadaya 11 ka boos ee ugu dambeeya marka la guda galo wareega u dambeeya ee ciyaaraha group-yada Champions League?
Manchester City ayaa ku guulaysatay Group-keeda laakiin Liverpool,Chelsea iyo Tottenham ayaa wali shaqo u taala.
Dhanka kale Celtic iyo Rangers ayaa labaduba mar horeba ka haray tartanka champions League inkasta oo ay fursad u haystaan in ay u dhacaan Europa League.
Group A
Team | GP | W | D | L | GD | Pts |
---|---|---|---|---|---|---|
1 – Napoli (Q) | 4 | 4 | 0 | 0 | +13 | 12 |
2 – Liverpool | 4 | 3 | 0 | 1 | +6 | 9 |
3 – Ajax | 4 | 1 | 0 | 3 | -4 | 3 |
4 – Rangers | 4 | 0 | 0 | 4 | -15 | 0 |
Liverpool ayaa kaliya hal dhibic uga baahan Amsterdam si ay u xaqiijiso booskeeda wareega 16ka. Waxay u badan tahay inay guulaystaan si ay u ilaashadaan rajadooda kaalmaha sare.
Ajax ayaa si dhab ah u baahan in ay ku badiso wax ka badan hal gool si ay u sii noolaato rajadeeda maadama ay taasi siin doonto in ay hogaanka u qabtaan Reds hadii ay dhibcaha ku dhamaystaan.
Rajadii Rangers ee kaalinta 3-aad iyo Europa League way soo dhamaan doontaa hadii Ajax ay wanajiso natiijooyinkeeda.<壯陽藥 /p>
Group B
Team | GP | W | D | L | GD | Pts |
---|---|---|---|---|---|---|
1 – Club Bruges (Q) | 4 | 3 | 1 | 0 | +7 | 10 |
2 – Porto | 4 | 2 | 0 | 2 | +1 | 6 |
3 – Atletico Madrid | 4 | 1 | 1 | 2 | -3 | 4 |
4 – Bayer Leverkusen | 4 | 1 | 0 | 3 | -4 | 3 |
Arbacada: Club Bruges v Porto (17:45), Atletico Madrid v Bayer Leverkusen (20:00)
Porto ayaa laga yaabaa in ay booskooda u soo baxdo wareega 16ka hadii ay badiso Atletico Madridna ay guul gaadhi waydo. Guul ay gaareen Atleti ayaa ku sii haysa gacmahooda iyaga oo wajahaya Porto kulanka ugu dambeeya.
Group C
Team | GP | W | D | L | GD | Pts |
---|---|---|---|---|---|---|
1 – Bayern Munich (Q) | 4 | 4 | 0 | 0 | +11 | 12 |
2 – Inter Milan | 4 | 2 | 1 | 1 | +1 | 7 |
3 – Barcelona | 4 | 1 | 1 | 2 | +1 | 4 |
4 – Viktoria Plzen | 4 | 0 | 0 | 4 | -13 | 0 |
U qalma: Bayern Munich
Arbacada: Inter v Viktoria Plzen (17:45), Barcelona v Bayern Munich (20:00)
Barcelona ayaa laga yaabaa inay ka harto Champions League ka hor inta aysan xitaa ciyaarin Arbacada. Hadii Inter ay garaacdo Viktoria Plzen waxa ay gali doontaa wareega bug-baxa ee ugu dambeeya, waxaana mahad iska leh rikoorka madax-ka-madaxa ah ee ay ka gaareen Barca.
Group D
Team | GP | W | D | L | GD | Pts |
---|---|---|---|---|---|---|
1 – Tottenham Hotspur | 4 | 2 | 1 | 1 | +1 | 7 |
2 – Marseille | 4 | 2 | 0 | 2 | +2 | 6 |
3 – Sporting Lisbon | 4 | 2 | 0 | 2 | 0 | 6 |
4 – Eintracht Frankfurt | 4 | 1 | 1 | 2 | -3 | 4 |
Arbacada: Tottenham v Sporting Lisbon, Eintracht Frankfurt v Marseille (labadaba 20:00)
Spurs ayaa u soo bixi doonta wareega 16-ka iyada oo kulan baaqi u ah haddii ay ka badiso Sporting.
Haddii Spurs ay badiso, markaas Marseille ayaa sidoo kale soo bixi karta haddii ay ka badiso Frankfurt, maadaama ay madax ka yihiin Sporting.
Group E
Team | GP | W | D | L | GD | Pts |
---|---|---|---|---|---|---|
1 – Chelsea | 4 | 2 | 1 | 1 | +4 | 7 |
2 – Salzburg | 4 | 1 | 3 | 0 | +1 | 6 |
3 – AC Milan | 4 | 1 | 1 | 2 | -3 | 4 |
4 – Dinamo Zagreb | 4 | 1 | 1 | 2 | -2 | 4 |
Talaado: Salzburg v Chelsea (17:45), Dinamo Zagreb v Milan (20:00)
Chelsea waxa ay og tahay in guul ay ku gaarto Austria ay u gudbi doonto wareega 16ka – ama haddii ay barbaro gasho oo ay Milan garaacdo Dinamo Zagreb. Salzburg ayaa soo mari lahayd haddii ay badiso Milanna ma aysan guuleysan.
Group F
Team | GP | W | D | L | GD | Pts |
---|---|---|---|---|---|---|
1 – Real Madrid (Q) | 4 | 3 | 1 | 0 | +6 | 10 |
2 – RB Leipzig | 4 | 2 | 0 | 2 | -1 | 6 |
3 – Shakhtar Donetsk | 4 | 1 | 2 | 1 | +2 | 5 |
4 – Celtic | 4 | 0 | 1 | 3 | -7 | 1 |
Talaadada: Celtic v Shakhtar Donetsk, RB Leipzig v Real Madrid (labadaba 20:00)
RB Leipzig ayaa u soo bixi doonta wareega 16ka hadii ay garaacdo Madrid oo hore ugu soo baxday isla markaana ay Shakhtar guuldaro kala kulanto Celtic.
Kooxda heysata horyaalka Scotland ee Celtic waa inay badisaa si ay u sii noolaato rajadeeda Europa League.
Group G
Team | GP | W | D | L | GD | Pts |
---|---|---|---|---|---|---|
1 – Manchester City (Q) | 4 | 3 | 1 | 0 | +10 | 10 |
2 – Borussia Dortmund | 4 | 2 | 1 | 1 | +5 | 7 |
3 – Sevilla | 4 | 0 | 2 | 2 | -7 | 2 |
4 – Copenhagen | 4 | 0 | 2 | 2 | -8 | 2 |
U qalma: Manchester City
Talaado: Sevilla v Copenhagen (17:45), Borussia Dortmund v Manchester City (20:00)
Dortmund ayaa soo bixi doonta haddii ay ka badiso City. Barbardhac ayaa ku filan haddii Copenhagen aysan ka badinin Sevilla. Kooxda Jarmalka ayaa xitaa laga yaabaa inay soo baxdo ka hor inta aysan ciyaarin haddii kulanka kale uu yahay barbaro.
Group H
Team | GP | W | D | L | GD | PTS |
---|---|---|---|---|---|---|
1 – Paris St-Germain | 4 | 2 | 2 | 0 | +3 | 8 |
2 – Benfica | 4 | 2 | 2 | 0 | +3 | 8 |
3 – Juventus | 4 | 1 | 0 | 3 | -2 | 3 |
4 – Maccabi Haifa | 4 | 1 | 0 | 3 | -4 | 3 |
Talaadada: Benfica v Juventus, Paris St-Germain v Maccabi Haifa (labadaba 20:00)
Benfica iyo PSG labadooduba waxay ogyihiin in guul ay ku gaadhaan kulamadooda ay soo saari doonto. Haddii labada kulan ay ku dhamaadaan barbaro, sidoo kale labada kulan ayaa tagi doona.
Juventus ayaa u baahnaan doonta in ay badiso labada kulan si ay rajo u yeelato in ay soo baxdo.