Chelsea ayaa hogaanka u haysa kharashaadka kooxaha Premier League ay bixiyeen xiliciyaareedka 2023-2024

12-April-2024

Chelsea ayaa hogaanka u haysa kharashaadka kooxaha Premier League ay bixiyeen xiliciyaareedka 2023-‐ 2024

Chelsea oo ku jirta kaalinta 9aad ayaa qarashgareeysay aduun gaaraya (£75.1m) iyadoo aad uga nadan naadiayada ay ku xifaaltamaan Premier League,

Manchester City ayaa ku xigta oo bixisay (£60.6m) halka Manchester United oo ah kooxda saddexaad ee ugu kharash gareynta badan ay gaareeyso (£34m) – iyagoo bixiyay wax ka yar kala bar wadarta guud ee Chelsea.

Liverpool (£31.5m), Arsenal (£24.7m) iyo Aston Villa (£21.1m) dhamaantood waxay ku qarash gareeyeen in ka badan 20 milyan ginni oo ay ku soo iibsadeen wakiillada, iyadoo Tottenham (£19.7m) iyo Newcastle United (£18.8m) ay ku dhow yihiin sida lagu sheegay tirokoobyada ay soo saareen xiriirka kubbadda cagta Ingiriiska oo faahfaahinaya lacagaha ay bixiyeen kooxaha Premier League, EFL iyo National League