8″ March “2021” https://www.theguardian.com/international
Rikoorka guuldaro la’aanta ee Chelsea intii uu macalin u ahaa Tuchel ayaa sii socota ka dib markii ay 2-0 kaga badiyeen Everton. Waxa ay aheyd gool uu iska dhaliyay Godfrey oo jabiyay ismari waagii qeybtii hore markii kubad uu Havertz ku dhuftay daafaca oo xariiqda dhaaftay.
Chelsea ayaa dardar gelisay ciyaarta ka dib, waxaana ay ku guuleysteen rigoore markii Pickford uu dhulka dhigay Havertz kaasoo Jorginho u rogay. Kooxda martida loo ahaa ayaa wax badan heysan laheyd hadii uusan aheyn goolhayaha madaama uu sameeyay badbaadin fiican si uu u diido Werner, Alonso iyo Mount.
marka laga soo tago guuldarro la’aantii inta ay Chelsea ka hoos ciyaarayeen Tuchel tartamada oo dhan waxay hada timid in ay dagaan kaalinta afaraad, iyagoo 1 dhibic ka sarreeya Everton.
XAYEEYSIIN”
Kulanka ugu xigga ayaa in ay safar ku tagayaan Leeds United. Halka Everton sagaal kulan oo guuldaro la’aan ah oo ay ku gaartay meel ka baxsan garoonkeeda ay soo gabagabeeysay waxayna haatan ku jiraan kaalinta shanaad, iyadoo West Ham ay dhawaan bilaaban doonto. Ancelotti ayaa rajeynaya inay ka soo kabsadaan kulanka Burnley ee soo socda
Kabtanka Chelsea Cesar Azpilicueta oo lahadlaya BT Sport ayaa yiri: “Guul kasta waa talaabo horay looqaaday. Waan ognahay inay ahayd inaan daboolno guulihii naga lumay. Caawa waxay ahayd ciyaar aad u wanaagsan. Waa wax aad loogu farxo in la arko kooxda oo u dagaalamaysa kubada, isla markaana tayo ahaan waxaan dhalin karnay goolal badan. Weli waan ka fog nahay halka aan dooneyno inaan joogno, laakiin waxaan ku soconnaa wadada saxda ah. ”
Tababaraha Blues Tuchel ayaa yiri ka hor ciyaarta: “Everton waxa ay ku bilaabatay xilli ciyaareed aad u xoogan xilli ciyaareed guul weyn ay ku soo gaadhay Anfield, halkaas ayayna ku sii hayeen xawaaraha. Waxay heystaan koox aad u xoog badan, waa kuwo jir ahaaneed, kooxduna waxaa ka buuxo karti. Carlo (Ancelotti) wuu garanayaa sida loo sii wado xawaaraha, sida loo ilaaliyo socodka.