Ciidamada Ahlusuna iyo Galmudug oo qarka ,u saaran In uu dhaxmaro gacan ka hadal iyo cabsi ka taagan guriceel

Friday ” 15 October “2021 Galmudug

Wararka ka imanaya magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in cabsi xoog leh oo dhinaca ammaanka ah ay soo wajahday qoysaska ku haray magaalada.

Cabsidan ayaa timid kadib markii duqeyda dhaqanka iyo waxgaradka magaalada Guriceel uu ka biyo diiday madaxa Ahlu Sunna Sheekh Maxamed Shaakir iyagoo ka codsaday in maleeshiyada Ahlu Sunna ee dhufeysyada ka qodotay magaalada uu ka saaro.

Duqeydan ayaa sheegay kadib markii ay ku hungoobeen in maleeshiyada Ahlu Sunna laga saaro magaalada in xalka magaalada Guriceel ay u taal Madaxweynaha Galmudug.

Ciidamada Dowladda iyo kuwa maamul goboleedka Galmudug ayaa ku sii dhawaanaya magaalada Guriceel iyadoo la sheegay in dhowr jiho ay isu qeybiyeen ciidamada.

Ciidamada ayaa kooban ciidamada Milatariga qeybta 21aad,ciidamada Gorgor, Guutada 15aad ee Qaybta 21aad iyo kuwa Nabad Sugidda Galmudug.

Boqolaal qoys oo ka barakacay magaalada Guriceel ayaa xaalad adag ay ku haysataa deegaanada ku dhaw dhaw magaalada iyadoo lagu jiro bilowga deyrta oo kuleyl badan uu jiro.

Xaalada magaalada Guriceel ayaa u muuqata in dagaal lagu kala bixi doono iyadoo ay 15 maalin ay ka soo wareegatay xilligii ay maleeshiyaadka Ahlu Sunna la wareegeen magaalada Guriceel.

Leave a Reply