21″ March ” 2021
Ciidamada Amisom ay la wareegay gacan ku haynta Amaanka goobta uu ka dhacayo shirka u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladaha xubnaha ka ah.
Waxaa la sheegay in si buuxda ay AMISOM ula wareegtay ammaanka shirka, Waxaana shir goordhaweyd soo dhamaaday la isku afgartay, in ciidamada madaxda oo ay ku jiraan kuwa federaalka gaadiidka dagaalka iyo ciidamada looga reebi doono albaabada laga galo garoonka Aadan Cadde.
Sidoo kale wararku waxaa ay intaa ku darayaan in madaxda dhamaan aan loo ogolaan doonin in hubka ay la gudbaan marka laga reebo ilaalada gaarka ah ee loo yaqaan VIPda.
Shirka u dhexeeya Dowladda dhexe iyo Dowlad Goboleedyada ayaa la filayaa in berri uu furmo, waxaana magaalada Muqdisho ku sugan dhammaan madaxda maamul Goboledyada dalka, kuwaasi oo shirk aka qayb gali doona.