Ciidamada ammaanka dowladaha Somalia Iyo Kenya oo sheegay tirooyin kala duwan in ay ka dileen argagixisada shabaab

20″ January “2023

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta ayaa lagu sheegay in 100 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab saaka la dilay, kadib markii ay weerar ku soo qaadeen saldhig ay leeyihiin Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyee壯陽藥 d oo ku yaalla Magaalada Galcad.

Wasaaradda Warfaafinta ayaa sheegtay in Dagaal culus oo halkaas ka dhacay Shabaabka looga gubay gaadiid dagaal oo gaaraya ilaa shan gaari, kuna jiro mid ka mid ah gawaarida gaashaaman oo ay Shabaabka xilli hore ku qabsatay dagaalo dhacay.

Dowladda ayaa shaacisay in weerarkii qaraxyada ku bilowday ee Al-shabaab ku qaaday Galcad looga dhigay 7 askari oo uu ku jiro Taliye ku-xigeenkii ciidamada kumaandooska DANAB, kaasi  lagu magacaabi jiray Xasan Maxamed Cusmaan (Xasan Tuure).

Saraakiisha dowladda Kenya ayaa sheegay in ciidamada ammaanka Kenya ay dileen 10 dagaalyahan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ee fadhigeedu yahay Soomaaliya ee ku yaalla bariga dalka Kenya.

Waxa ay sidoo kale soo furteen baasuukayaal iyo walxaha qarxa ka dib markii ay Arbacadii kooxda kula dagaalameen tuulada Galmagalla ee ismaamulka Gaarisa, Thomas Bett, oo ah guddoomiye ku xigeenka kowntiga Bura East ayaa sheegay Khamiistii.

“Howlgalka looga sifeynayo kooxda xagjirka ah ee Soomaaliya ee gobolka waxaa fuliyay kooxdeena hay’adaha kala duwan, waxaana ay ku guulaysteen in ay ka takhalusaan 10 ka mid ah kooxaha Islaamiyiinta ah, waxaana ay soo furteen hub,” ayuu u sheegay wakaaladda cusub ee Reuters.

Af hayeenka al-Shabaab ayaan la xiriirnay si aan wax uga weydiino.

Ururka Al-Qaacida ayaa gudaha u galay dalka Kenya muddo sanado ah si ay ugu cadaadiyaan in ay ciidamadooda kala soo baxaan ciidamada nabad ilaalinta ee Midowga Afrika ee caawinaya dowladda dhexe ee Soomaaliya la dagaalanka kooxda.

Al-Shabaab ayaa bartimaameedsanayay ciidamada amaanka, iskuulada, gaadiidka, magaalooyinka iyo kaabayaasha isgaarsiinta ee bariga Kenya inkastoo weerarada ay hoos u dhaceen sanadihii ugu dambeeyay.

Leave a Reply