Ciidamada ammaanka ee Koofur Galbeed oo helay Meydka haweenay muddo la waysanaa

5″ June “2022” Baydhaba” War naxdin leh

Allaha unaxariistee haweenay lagu magacaabi jiray Aamino Maxamuud, ayaa meydkeeda galabta laga soo saaray Suuliga xaafad ka tirsan magaalada Baydhaba ee gobolka Bay, kadib baaritaan socday maalmihii lasoo dhaafay oo lagu baadi goobayay haweenaydan hadda maydkeeda la helay.

Ciidamada Nabad sugidda Koofur Galbeed ayaa ku guuleystay in meydka haweenaydaan ay ka soo saaraan Suuliga oo uu ku riday sida la sheegay nin lagu eedeyay inuu dilkeeda ka dambeyay.

Ninka lagu tuhmayo dilka Aamino ayaa wararku sheegayaan inay ku lahayd “dayn” aan faah-faahin laga bixin waxa ay ahayd.

“Wuxuu ugu yeeray gurigiisa oo uu u balan qaaday inuu ku wareejinayo,maadaama uusan bixi karin dayntii ay ku laheed,” ayaa lagu yiri war qoraal ah oo lagu daabacay bogga Facebook ee Radio Muqdisho.


Inaa lilaahi wa inaa ileehu raajicuun, meydka hooyadan oo lagu magacaabayay Aamino Maxamuud Malaaq oo 2dii maalin ee lasoo dhaafey la baadi goobayey ayey laamaha amaanka koonfur galbeed kasoo saareen mid kamid ah Xaafadaha baydhabo, iyadoo garbaduub uxiran oo la diley

Markii ay ugu timid gurigiisa ayuu dilay, kadibna wuxuu ku riday Suuliga, sidaas ayaana mudo maalmo ah lagu waysanaa meydka Marxuumad Aamina, sida ay xaqiijiyeen ehelladeeda.

Dhacdadaan ayaa argagax ku noqtay ehelka iyo dadka ku nool aagga laga helay meydka Aamino Maxamuud

Dadweyne Farabadan oo shacabka Baydhabo ah ayaa isugu soo baxay Xaafadii ay daganayd Maama Aamina Allah unaxriistee oo Hada Maydkeeda la Keeney.
Sidoo Kale goob joogayaal ayaa xaqiijiyay in gacanta lagu soo dhigay nin looga shakisanyahay inuu kadanbeeyay falka lagu dilay habeeweyna Ganacsata.

Leave a Reply