12-Feb-2024
Ciidamada ammaanka ee maamulka Puntland ayaa xalay howlgallo lagu bartilmaameedsanayay dadka Oromada ah waxa ay ka sameeyeen magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.
Howlgalkan ayaa waxaa lagu soo qabtay Oromadii ugu badnayd, kuwaas oo xabsiga loo taxaabay, sida ay innoo sheegeen ilo dadka deegaanka ah.
Dadkan ayaa waxaa looga shakiyay inay ku lug leeyihiin qaraxyada iyo weerarada kale ee ka dhaca halkaasi.
Boosaaso ayaa waxaa maalmihii u dambeeyay ka dhacayay dilal qorsheysan iyo qaraxyo lala beegsanayay xarumaha ganacsi ee magaaladaasi.