Ciidamada badda Yurub ayaa si xeeladeeysan u qabtay LIX qof oo Somali burcad-badeednimo looga shakisan yahay ah

11-Mqy-2024″ Ciidamada badda Yurub ayaa lix qof oo burcad-badeednimo looga sh犀利士 akisan yahay xiray shalay kadib markii ay rasaas ku fureen markab shidaal siday oo kasoo shiraacday Gacanka Cadmeed, sida ay saraakiishu sheegeen, tan oo laga yaabo inay qeyb ka tahay weerarrada burcad-badeednimo ee sii kordheysa ee ka imaanaya Soomaaliya.

Weerarkan oo lagu qaaday markabka Chrystal Arctic oo uu ka babbanayay calanka Jasiiradaha Marshall ayaa kusoo aadaya iyadoo kooxda Xuutiyiinta Yemen ay sidoo kale weerarayeen maraakiibta maraya Badda Cas iyo Marinka Bab el-Mandeb. Weerarrada ayaa hoos u dhigay isu gudubka ganacsiyada ee marin-biyoodkan muhiimka ah ilaa Kanaalka Suweys iyo Badda Mediterranean-ka.

Burcad-badeedda ayaa rasaas ku furay markabka iyagoo markaas saarnaa doon yar oo hub uu saarnaa, sida ay sheegtay xarunta Howlgallada Ganacsiga Marin-biyoodka UK, oo korjoogteysa marinnada markabka ee bariga. Burcad-badeedda ayaa sitay qoriga nooca Kalashnikov iyo bambooyin, sida ay sheegtay shirkadda ammaanka sida gaarka loo leeyahay ee Ambrey.

Burcad-badeedda ayaa kadib joojiyay isku daygooda inay markabka la wareegaan, kaasoo safarkiisa sii watay iyadoo shaqaalihiisu ay bad qabaan, sida ay sheegtay UKMTO. Qiiq madow ayaa kasoo baxay doonta yar ee sidday burcad-badeedda, taasoo u muuqatay gubasho dhanka matoorka shidaalka ah, sida ay sheegtay Ambrey.

Saacado kadib, ciidamada Midowga Yurub ee gobolka oo loo yaqaanno Operation Atalanta ayaa sheegay in wax ka mid ah oo gobolka ka howlgaleysay ay qabteen lix burcad-badeednimo looga shakisan yahay. Waaxda ayaa la wareegtay burcad-badeedda oo qaarkood dhaawac uu ku yaallay.

Durba ma caddeyn haddii burcad-badeedda dhaawacan uu dhaawac kasoo gaaray is weydaarsiga rasaasta ee markabka Chrystal Arctic. Ciidamada badda EU ayaa diiday inay ka jawaabaan arrintaas sababo dhanka ammaanka ah.

Ambrey ayaa ogaatay in markabkan Midowga Yurub laga leeyahay Talyaaniga.

Afduubkii ugu horreeyay ee burcad badeedda ay fuliyaan tan iyo 2017 kadib ayaa dhacay bishii December ee la soo dhaafay, iyadoo Michael Howlett, oo ah agaasimaha Xafiiska Caalamiga ah ee Badaha, uu xusay in ay arrintan tahay mid “walaac abuuri karta”.

Intaasi wixii ka dambeeyay waxaa jiray warbixinno isdaba joog ah oo ku saabsan falal afduub ah oo ka dhacay biyaha Soomaaliya.

Dabayaaqadii sanadkii tagay ayey dib u billowdeen weerarrada kooxaha burcad baddeeda Soomaalida ka dib markii ay rag hubaysan gacanta ku dhigeen doon ganacsi oo u rarnayd ganacsto Soomaalia.

Wixii intaas ka danbeyey waxaa sii xoogaystay weerarada kooxda ay ku qaadayaan maraakiib ganacsi oo gooshaysa biyaha caalamigaa

Ciidamada badda ee Hindiya ayaa laba jeer oo is xigta howlgal ciidan ku qaaday markab iyo doon ganacsi oo ay gacanta ku hayeen koox burcad baddeed Soomaali ah

Bishii March, ciidamada badda ee Hindiya ayaa soo furtay markabka MV Ruen, oo muddo saddex bilood ka badan gacanta ugu jiray koox burcad baddeed Soomali ah.

Howlgalkaasi oo ka dhacay meel 1400 NM u jirta xeebta badweynta Hindiya ayaa ciidamada Badda ee Hindiya ay gacanta ku dhigeen ilaa soddon iyo shan nin oo ku dul sugnaa markabka iyagoo badbaadiyey toddobo iyo toban shaqaale ah oo markabka saarnaa.

Hindiya ayaa horey gacan uga gaysatay ilaalinta aagga biyaha Soomaaliya tan iyo 2008-dii.

burcad badeed