15- August-2023-
Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in maanta ay dhaqaaqeen ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka, iyaga oo u jiheystay dhanka magaalooyinka Ceelbuur iyo Galhareeri.
Ciidamadan oo wata gaadiid dagaalka, sidoo kalena aad u qalabeysan ayaa ka baxay laba jiho oo kala duwan, waxayna toos u aadeen dhanka labadaasi magaallo oo ay muddo ka badan 15 sanno ay gacanta ku hayaan xoogaga hubeysan ee kooxda Al-Shabaab.
Wararka ayaa sheegaya in ciidamadan ay qaarkood ka baxeen caasimada Glamudug ee Dhuusamareeb, halka kuwa kalena ay ka dhaqaaqeen dhanka degmada Maxaas ee Hiiraan.
Ciidamada ka tegay Dhuusamareeb ayaa ujeedkoodu yahay inay weeraraaan Ceelbuur iyo Galhareeri, si ay uga saaraan Al-Shabaab, halka kuwa ka tegay degmada Maxaas ay tagi doonaan dhinaca deegaanka Wabxo, si ay halkaas uga difacaan xoogaga Al-Shabaab.
Ciidamada ka tegay Dhuusamareeb ayaa ujeedkoodu yahay inay weeraraaan Ceelbuur iyo Galhareeri, si ay uga saaraan Al-Shabaab, halka kuwa ka tegay degmada Maxaas ay tagi doonaan dhinaca deegaanka Wabxo, si ay halkaas uga difacaan xoogaga Al-Shabaab.
Saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in ujeedkooda uu yahay fulinta amarka madaxweynaha ee ku aadan xoreynta Ceelbuur iyo Galhareeri.
Sidoo kale xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana howlgalladan ka qayb qaadan doono diyaarado dagaal oo hawada ka taageeri doono ciidamada huwanta ah.
Al-Shabaab ayaa dhankeeda abaabul ka wadda aagga Ceelbuur, ayada oo la sheegay in hubeysan qaar kamid ah shacabka deegaanka oo ay ku amartay inay difaacaan magaalada.
Madaxweynaha dowladda federaalka, Xasan Sheekh Maxamed oo haatan saldhig ka sameystay magaalada Dhuusamareeb ayaa gadaal ka riixaya in ciidamadu ay maalmo tirsan ku xoreeyaan dhulka Galmudug, si loo guda galo wareegga xigga ee wejiga labaad ee hawlgalka, oo la doonayo in lagu soo gacan geliyo dhulka maqan ee HirShabelle.
Sida uu qorshuhu yahay kolka lagu kala baxo hawlgalka Gobolada Dhexe ayaa lagu wadaa in ciidamadu ay wareegga ugu dambeeya ee hawlgalkan ku wajahaan deegaanada ay mintidiinta Al-Shabaab ka maamulaan deegaanada Koonfur Galbeed iyo Jubbalan