Khasaaro Alshabaab ka soo gaaray Duqeyn xaga cirka ah oo laga fuliyay deegaanka Galhareeri

10- August-2023-

Duqeyn xaga cirka ah oo dowladda Somalia ay ku tilmaamtay mid guuleystay oo laga fuliyay degmada Galhareeri ayaa lagu beegsaday xarrumo muhiim u ahaa kooxda Al-Shabaab

Degmada Galhareeri oo ka mid ah deegaanda ay mudada dheer ka talinayeen kooxda Alshabaab ayay duqeeyn xaga cirka ah ka fuliyeen diyaaradaha aan cidna wading ee drone howlgal qeyb ka ah taageerada saaxiibada caalamiga ee Somalia ka gacansiinaya dagaalka ka dhanka ah Argagixisada

Sadaxada xarun ayaa kala ahaa garaash lagu diyaarinayay baabuur qaraxyo ah, goob kale oo u aheyd bakhaar hub iyo goob uu yiilay qalab caafimaad

Qooraal kasoo baxay dowladda ayaa waxaa lagu sheegay in goobtaasi lagu burburiyay illaa todobo gaari oo goobta tiilay, sidoo kalena la gubay keydka hubka ee u yaallay halkaasi.

Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya kuwa dadka deegaanka ee Macawiisleyda ayaa maanta howlgal culus ka sameeyay gudaha degmada Galhareeri oo ka tirsan gobolka Galgaduud ee bartamaha dalkeenna Soomaaliya.

Howlgalkan oo ay dowladdu tilmaamtay inuu guuleystay ayaa waxaa lagu beegsaday saddex xarrumood oo muhiim u ahaa kooxda Al-Shabaab.犀利士

“Midka mid ah waa Garaash ay Khawaarijtu ku diyaarinaysay Waxyaabaha Qarxa waxaana halkaas lagu burburiyay todobo Gaari oo yaalay Goobtaas. Goobta labaad waxa ay ahayd Bakhaar hub oo ay Khawaarijtu lahayd waana la gubay.” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale waxaa qoraalka uu intaasi ku daray “Goobta saddexaad waxaa u yaalay qalab caafimaad oo ay Khawaarijtu si gaar ah u isticmaalaysay.”

Galhareeri ayaa kamid ah magaalooyinka ay muddada dheer ka talineysay kooxda Al-Shabaab, waxayna u aheyd xarun weyn oo ay ku lahaayeen saldhigyo gaar ah.

Si kastaba, howlgalka ka dhacay Galhareeri ayaa qayb ka noqonaya gulufka haatan ka socda gobollada dhexe, kaas oo uu hagayo madaxweyne, Xasan Sheekh Maxamuud.

https://fb.watch/ml13zdJnLu/?mibextid=MVYFXj

Leave a Reply