19″ April “2023”
Ciidamada dowlada somalia ayaa sameeyay howlgala ay ku baacsanayaan argagixisada Alshabaab dhul beereed degmada Awdhiigle ee gobolka Shabelle hoose iyadoo Dagaal aad u culus uu ka dhacay degaanka Budbud ee gobolka Galgaduud, kadib markii ay weerar ku bilowday qaraxyo is-miidaamin ah ay ku soo qaaday kooxda Al-Shabaab fariisimo ay lahaayeen ciidamadanka qaranka
Ciidamada dowlada iyo Alshabaab oo deegaanka Budbud: uu ku dhexmaray Iska hor,imaada aad u xoogan
Markii dagaalku bilowday waxaa hawada ka baxday isgaariisnta Budbud iyo deegaanada u dhow, dagaalkii soo bilowday galabta Casirkii ayaa soo gaaray Afurkii, waxaana dhacay dagaal labada dhinacba uu khasaare culus ka soo gaaray.
Weli lama helin xogta rasmiga ah ee khasaaraha ka dhashay dagaalkaas, balse waxaa la xaqiijiyey in ciidanka dowladda ay caawa ku sugan yihiin deegaankii lagu dagaalamay ee Budbud.
Ciidan dhan laba guuto oo oo isugu jira militeriga dowladda iyo kuwa dib u xoreynta deegaanka ayaa ku sugnaa deegaankaas markii ay Al-Shabaab soo weerareen maanta, waxaana saraakiisha hoggaamineysa ciidanka maanta la weeraray ka mid ah Korneyl Saney Cabdulle.
In kastoo labada dhinac aysan weli shaacin wax khasaare ah dagaalkuna uu soo gaaray caawa maqribkii, hadana xogaha hoose ee Caasimada Online ay heleyso waxay sheegayaan inuu jiro khasaare baaxad leh, maadaama aan dagaalka waxba la isku reeban oo labada ciidan ee Shabaab iy壯陽藥 o dowladda ay is dhex galeen aadna isku laayeen.