13″ January “2023” SNTV
Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya iyo dadka deegaanka ayaa maanta oo Jimco ah Al-Shabaab kala wareegay deegaanka Cali-Helo oo hoostaga degmada Galcad ee gobolka Galgaduud.
Tani waxay ku soo aadeysaa iyadoo ciidamada ay ku sii siqayaan dhowr jiho oo ka tirsan dowlad goboleedka Galmudug si ay uga xoreeyaan magaalooyinka wali Ku sii haray gacanta argagixisada shabaab
Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa dadka deegaanka ayaa sidoo kale lagu soo warramayaa in howl-galo ay sameeyeen saacadihii ugu dambeeyay kula wareegeen degaano horleh oo ka tirsan gobolada Mudug iyo Galgaduud.
Deegaanada ay la wareegeen ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa waxay kala yihiin degaanada Seego, Xinlabi, Baraag Ciise, Holdooyaale ee gobolka Mudug iyo Qalaanqal, Galxaagare oo Galgaduud ah.
Taliye ku-xigeenka ciidamada xoreynta deegaanka Macalin Cabdikariim oo howl-galka hogaaminayay ayaa sheegay in ay si nabad-gelyo ah Al-Shabaab ugala wareegeen degaanadaasi, ayna hadda ku sugan yihiin ciidamada huwanta.
Sidoo kale waxa uu sheegay in deegaanada ay ka bilaabeen dhaq-dhaqaaqyo lagu xaqiijinayo amniga, isaga oo xusay inay sii wadi doonaan howl-galada illaa inta laga ciribtirayo Al-Shaba