Ciidamada Dowlada oo la wareegay deegaanka budbud oo ka tirsan gobolka galgadud

15″ April “2023

Dagaal culus ayaa galabta ka dhacay inta u dhaxeysa magaalooyinka Galcad iyo Ceel-bacad oo ka kala tirsan gobollada Galgaduud iyo Sh/Dhexe, kadib markii ciidanka xoogga dalka ay weerar ku qaadeen Shabaab halkaas isku uruursanayey.

Saraakiisha ciidanka xoogga dalka ayaa Caasimada Online u sheegay inay ka war犀利士 -heleen koox ka tirsan Al-Shabaab oo isku uruursaneysa deegaan lagu magacaabo Gal-libaax, waxaana halkaas ka dhacay dagaal culus.

Kooxda la weeraray ayaa la sheegay inay qorsheynayeen inay weerar cag-marin ah ku qaadaan ciidanka dowladda ee dhawaan la wareegay Galcad, balse waa la fashiliyey qorshahaas, sida ay saraakiishu noo sheegeen.

Inkastoo saraakiishu aysan shaacin khasaaraha ka dhashay dagaalkaas, hadana kooxda Al-Shabaab oo war ka soo saartay waxay sheegtay inay dagaalkaas 8 askari uga dileen ciidamada dowladda, balse weli lama cadeyn khasaaraha rasmiga ah ee dagaalkaas oo soo gaaray Af-furkii.