16″ January “2023” Xarardheere
Magaalada Xarardheere ayaa markii ugu horeeysay mudo ku dhow 15 sano ka madaxbanaantay gacanta Argagixsada Alshabaab Dheeho.com
Dowladda Soomaliya ayaa shaacisay in maanta ay si rasmi ah ula waregtay gacan ku haynta degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug, taasi oo AL-Shabab ay ka talinayeen mudo ku dhow 15 sano
Ciidanka xoogga dalka iyo犀利士 xoogagga degaanka ayaa si rasmi ah ula wareegay magaalo xeebeedka dhaca koonfurta gobolka Mudug ee Xarardheere, sidaas warbaahinta Dowladda u xqiijiyay Wasiirka Gaashaandhigga ee dowladda Soomaaliya Cabdiqaadir Maxamed Nuur.
DHIACA KALE
Dowladda Soomaaliya oo sheegtay inay Ciidanka Xoogga dalka oo kaashanaya Ciidamada Hawlgalka midowga Afrika ee ATMIS ay saaka hawlgal qorshaysan ku dileen 23 xubnood oo ka tirsanaa Ururka Al-shabaab.
Hawlgalkan ayaa ka dhacay deegaanka Danow oo ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose sida uu xaqiijiyey Taliyaha Ciidanka Xoogga Odowaa Yuusuf Raage.
Hawlgalka ayaa yimid ka dib markii Alshabaab isku dayeen in ay ciidanka ku qaadaan weerar gaadmo balse ciidanka oo ka warqabeen weerarkaasi.
Dhinaca kale Taliyaha Ciidanka Xoogga ayaa xaqiijiyey in Ururka Al-shabaab weerarkaas looga furtay Saanad Ciidan.