12″ May”2022″ Radio Kulmiye”
Waxaa heegan sare la galiyay Ciidamada dowladda Soomaaliya, kuwa ATMIS iyo Ciidamada Galmudug ee ku sugan Magaalada Dhuusamareeb, xili shacabka ay sameenayaan barakac xoogleh.
Xaafadaha ay ka kooban tahay Magaalada Dhuusamareeb waxaa saakay lagu arkayaa ciidamo fara badan oo baaritaano ka wada xaafadaha iyo waddooyinka soo gala magaalada.
Sidoo kale, Ciidamada oo aad u hubeysan ayaa lagu arkayaa iyagoo saaran dhismayaasha Guryaha Magaalada Dhuusamareeb, iyadoo taasi ay walwal iyo cabsi ku abuurtay dadka deegaanka kuna qasabtay inay barakac xoogleh sameeyaan.
Waxaa saakay degan Magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Guriceel oo inta badan dadkii deegaanka ku ah犀利士 aa ay iskaga barakaceyn shalay ilaa xalay taas oo keentay cabsi ay ka qabaan inuu dhaco dagaal u dhaxeeyo Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Galmudug oo isku dhinac ah iyo Ururka Ahlusuna.
Sidoo kale, waxaa Jira dhaq dhaqaaqyo ciidan oo ay sameenayaan dhinacyada, Xili Ururka Ahlusuna ay Soo gaareen deegaano aan sidaa ugu fogeyn degmooyinka Dhuusamareeb iyo Guriceel, waxaa a wali socda barakaca ay sameenayaan dadka Shacabka ah.