27″ November “2022′” Muqdisho
Ciidamada dowladda Soomaaliya oo soo afjaray 18 saacadood ka dib weerar argagixiso oo alshabaab ay ku qaaday hotel ku yaalla magaalada Muqdisho,
inkastoo ay ciidamadu soo badaadiyeen dad ka badan 60 qof hadana waxaa jira dhimashada 8 iyo dhaawac intaas kabadan
Soo afjaridan ayaa timid markii Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee loo yaqaano Gaashaan iyo Haramcad ay la wareegeen howlgallka, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan ciidamada booliska oo goobta ku sugnaa oo magaciisa qariyay.
“Dagaalamaaysha alshabaab ee weerarka soo qaaday ayaa intooda badan ku dhintay gudaha hoteelka,intii uu socday howlgalka iya犀利士 doo la soo badbaadiyay dadka ku go’doonsan hoteelka,” ayuu sarkaalku hadalkiisa ku daray.
Baarlamaanka somalia ayaa ku dhawaaqay subaxnimadii hore Isniintii in dib loo dhigay fadhigii loo balansanaa iyadoo ay sii socdaan warar sheegaya in rasaas laga maqlayo gudaha hotelka Muqdisho oo la go’doomiyay saakay
Villa Rose ayaa Axadii waxaa gudaha u galay koox argagixso ah oo ka tirsan Al-Shabaab oo ah urur xiriir la leh Al-Qacida, waxaana loo adeegsaday qoryo iyo walxaha qarxa, iyadoo sarkaal ka tirsan booliiska uu xilligaas sheegay in qaar ka mid ah saraakiisha dowladda ay daaqadaha ka boodeen.
“Hada xaaladu waa Regan tahay, waxaanse weli ku jirnaa guryaheenna tan iyo xalay markii ay go’doominta billaabatay,” Ismaaciil Xaaji, oo ku nool agagaarka hoteelka ayaa u sheegay Reuters.