25″ September 2022″
Ciidanka xoogga dalka oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa Al-shabaab kala wareegay deegaano ka tirsan Gobolada Galgaduud, Hiiraan.
Ciidamada ayaa saaka waaberigii la wareegay deegaanka Moqokori iyo tuullada Tardo oo ka tirsan gobolka Hiiraan oo ka mid ah deegaanada Muhiimka u ah Al-shabaab.
Sidoo kale, Ciidanka ayaa gacanta ku dhigay Deegaanka Ceel lahelay oo ku yaal inta u dhaxeeysay Degmooyinka Dhuusamareeb iyo Ceelbuur ee bartamaha Soomaaliya.
Deegaankan Ceel lahelay muddo 10 sano ku dhawaad waxaa ku sugnaa ururka Al-shabaab.
Dhinaca gobolka Mudug, Ciidamada ayaa la wareegay Deegaanada Dhuumoodle, Dhisaqa, Abooreey, Cali wayd iyo maygaag duub oo hoostaga Degmada Xaradheere.
Gobolka Hiiraan wararka ka imanaya waxaa kale oo ay sheegayaan in Gaashaanle Sare Barre Cayrow oo ka mid ahaa saraakiisha ciidanka dawladda uu ku dhintay qarax maanta ka dhacay inta u dhaxaysa degaamada Booco iyo Halgan.
Howlgallada ka dhanka ah ururka Al-Shabaab ee ka socda Soomaaliya ayaa looga xoreeyay deegaanno tobannaan ah tan iyo markii madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu iclaamiyay dagaalka ka dhanka maleeshiyada Al-shabaab horraantii bishan.
“Dadka Soomaaliyeed waxay aaminsan yihiin in Al-Shabaab laga adkaan karo” ayuu madaxweyne Xasan Sheekh ku yiri khudbaddii uu Khamiistii ka jeediya shirka犀利士 77-aad ee golaha guud ee Qaramada Midoobay.