Wararka aan ka helayno degaanka Bulacle ee Gobolka Galgaduud ayaa ku warramaya in dagaal xooggani uu ka socdo Gobolkaasi, waxaana lasoo sheegayaa in uu jiro khasaare ka dhashay dagaalkaasi oo ah mid xooggan.
Dagaalka ayaa u dhexeeya Al-shabaab iyo Ciidanka Dowladda, waxaana lasoo sheegayaa in haatan uu socda dagaalku, jugta iyo rasaasta ayaa si xooggan looga maqlayaa degaanno hoostaga Bulacle, waxana dadka degaanku ay soo sheegayaan in marba mark aka dambeysa uu sii xoogaysanayo dagaalku
Ciidanka Dowladda iyo kuwa Galmudug oo dhawaanaahan waday is Abaabul iyo howlagallo bakllaaran ayaa lasoo sheegayaa in Al-shabaab ay kula dagaalamayaan degaanka iyo tuulooyin kale oo hoostaga.
Wali ma cadda Khasaaraha rasmiga ah eek a dhashay dagaalka, balse waxaa jira sida warar hoose ay sheegayaan khasaare dhimasho iyo dhaawac leh oo soo kala gaaray dhinacyada dagaalamaya, waxaana adag in la helo tirada rasmiga ah eek u dhimatay dagaalkaasi ama ku dhaawacantay.
Ciidanka Dowladda ayaa Al-shabaab waxaa ay kala wareegeen dhawaan degaanno iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Galgaduud, waxaana ay Saraakiisha Ciidanka hor kacaysa ay sheegeen in ay qadi doonaan dagaal xooggan oo Al-shabaab ay kaga saarayaan Gobolkaasi, balse dagaalamyaasha Al-shabaab ayaa ku xooggan qaar ka mid ah degmooyin ka tirsan Maamulka Golmudug
Dagaalkan ayaa timid markii Madaxweyne ku xigeenka Maamul Goboleedka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa kormeer ku tagay jiidda hore Ciidanka Xoogga ay ku sugan yihiin ee degaanada Galmudug, waxaana socdaalkiisa ku weheliyay Ku simaha Gudomiyaha Barlamanka Wasiiro,Xildhibaano iyo mas’uuliyiin kale,
Degaanada uu booqday Madaxweyne ku xigeenku ayaa waxaa ay yihiin kuwo dhawaan ay Ciidanka Xooggu kala areegeen dagaalamayaasha Al-shabaab, waxaana Madaxweyne ku xigeenka iyo wafdigiisu ay sahay gaarsiiyeen Ciidanka ku sugan furumaha hore.
Ciidanka ayuu la hadalay, waxana uu ugu baaqay in ay sii laba jibbaaraan howlgallada iyo dagaalka ay kula jiraan Al-shabaab, iyadoo degaanno dhowr ah oo ka tirsan Mamaulka Galmudug ay ku sugan yihiin Al-shabaab, waxana Madaxweyne ku xigeenka maamulkaasi uu Ciidanka ku boorriyay in ay dagaalka siiw adaan tan iyo inta degaanada galmudug laga saarayo Al-shabaab