Itoobiyaankii ku Sugnaa bartamaha Somalia ayaa isaga baxay saldhigyo muhiim ah

1- February-2024

Ciidamada Itoobiya ayaa isaga baxay saldhig muhiim ah oo ay ku lahaayeen bartamaha Soomaaliya, iyadoo uu jiro dagaalka Al-Shabaab

Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Soomaaliya ayaa dhaq dhaqaaqyo ciidan ka bilaabay deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan, iyadoo uu jiro khilaaf u dhaxeeya labada dal oo ku saabsan is afgarad badeed.

Dadka deegaanka ee ku sugan deegaanka Halgan ee gobolka Hiiraan ayaa soo sheegaya in ciidamada Itoobiya ay bilaabeen in ay isaga baxaan saldhig muhiim ah oo ay dhowr jeer oo hore Al-Shabaab weerar ku qaadeen.

Xaaladda ayaa saaka oo Khamiis ah ahayd mid kacsan iyadoo laga cabsi qabo in Al-shabaab ay si fudud ku qabsadaan magaalada haddii ay isaga baxaan ciidamada Itoobiya oo aan saldhigga ku wareejin ciidamada XDS.

Ma jirto wax sabab ah oo shacabka loo sheegay oo ku saabsan ka bixitaanka ENDF ee Halgan. Arrintan ayaa argagax ku abuurtay dadka deegaanka oo u nugul weerarada Al-Shabaab ee xilligan.

ENDF ayaa dhawaan faarujisay saldhig ay ku lahayd magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada Hoose oo xarun KMG u ah maamulka Jubbaland.

Leave a Reply