Golaha xukuumada somalia oo digniin adag u diray taliyaasha Police ka iyo Militariga Gen xijar iyo Gen Odawaa ayaa faray in ay dib xeryahooda ugu celyaan ciidmada baladweyne loo geeyay in lagu carqaladeeyo dooradhada

27″ Jan” 2022″ Muqdisho “SONNA

Ciidamada la geeyay baladweyne oo loo arakay kuwo lagu carqaladeeynayo doorashada iyo falalka argagixisadu ay ku hayso ganacsiga oo wadajir loo cambaareeyay ayaa looga hadlay shirkii khamiislaha golaha xukuumada ay ku yeesheen muqdisho

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa guddoomiyay shirka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada oo looga hadlay doorashooyinka dalka, amniga, gaar ahaan ciidanka la geeyay Beledweyne iyo  baqdin gelinta argagixisadu ku hayaan ganacsatada Suuqa Bakaaraha.

Shirka ayaa waxaa warbixinno laga dhageystay qaar ka mid ah Wasiirada shirka ka qeybgalay, waxaana xoogga lagu saaray in laga hortago cidkasta oo carqaladeynaysa amniga oo ay ugu horeeyaan argagixisada.

Golaha Wasiirrada ayaa isku raacay in ciidammada la geeyay Beledweyne sida ugu dhaqsiyaha badan looga soo saaro, laguna celiyo xeryahoodii, iyadoo la faray Wasiirada iyo Taliyeyaasha amniga in aan Ciidammada Qaranka loo isticmaalin laguna sumcad dilin arrimaha siyaasadda. Ayuu ku yiri R/Wsaaare rooble bartiisa tawitterka

壯陽藥 provider-twitter wp-block-embed-twitter”>

Leave a Reply