16″ July “2021” Muqdisho
Saraakiisha ka hoos shaqeeya Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya, AMISOM, iyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, SNA, ayaa soo gabagabeeyay tababar wada-jir ah oo soconayay muddo shan maalmood ah si kor loogu qaado aqoontooda ku aaddan doorka Iskaashiga Rayidka iyo Milatariga, ee CIMIC, ee howlaha taageerada nabadda. Tababarka oo socday muddo shan maalmood ah, oo ay soo qabanqaabisay Xarunta Dhexe ee Ciidamada AMISOM iyada oo lala kaashanayo Kooxda Taageerada Howlgalka ee UK, UK-MST, waxaa ka soo qeybgalay saraakiisha CIMIC ee SNA iyo qeybaha milatariga iyo booliska ee AMISOM.
Tababarka ayaa looga dan lahaa in kaqeybgalayaasha lagu qalabeeyo xirfado ay ku fuliyaan ka qeyb qaadashada bulshada iyo hogaamiyaha si loo kasbado quluubta iyo maskaxda bulshada ku nool deegaanada la xoreeyay ee ay gacanta ku hayaan ciidamada XDS iyo AMISOM.
Intii tababarka la furayay, taliye ku xigeenka ciidamada AMISOM ee u qaabilsan howlgalada iyo qorshooyinka, Maj Gen. William Kitsao Shume, ayaa xusay in tababarka uu awood u siinayo AMISOM iyo SNA in ay xiriir wanaagsan la yeeshaan bulshada.
“Isuduwidda madaniga iyo militariga waa farshaxan dagaal oo loo adeegsado kasbashada quluubta iyo maskaxda dadka rayidka ah ee ku nool meelaha ay iskahorimaadyadu ka socdaan,” ayuu yiri Maj. Gen. Shume, oo wakiil ka ahaa Taliyaha Ciidamada AMISOM, Lt. Gen. Diomede Ndegeya. Intii tababarku socday, saraakiisha CIMIC waxaa la marsiiyay kaalintooda iyo mas’uuliyadooda, habraaca bilowga mashruuca, Sharciga Caalamiga ee Bani’aadamnimada, fikradaha jinsiga, ilaalinta carruurta iyo dadka rayidka ah, warbixinnada iyo soo noqoshada, iyo mowduucyo kale.
Sarkaalka ugu sareeya ciidamada AMISOM ee CIMIC, Col. Herman Kabwita, ayaa sheegay in tababarkan uu sare u qaadi doono awooda saraakiisha si ay ula xiriiraan bulshada nugul ee qeybaha kala duwan. “Tababarkan wuxuu ahaa mid xog-waran ah, wuxuuna sare u qaaday kaqeybgalayaasha aqoontooda, wuxuuna caawin doonaa inta lagu gudajiro qabashada waajibaadka CIMIC ee qeybaha kaladuwan,” ayuu yiri Col. Kabwita.
Intii uu tababarkii xidhnaa khamiistii, Maj. Gen. Shume wuxuu ku booriyay ka qaybgalayaasha inay ku dabaqaan aqoonta iyo xirfadaha ay barteen si ay u gutaan waajibaadkooda. “Waxaan idinka codsanayaa inaad sida ugu badan uga faa’iideysataan aqoonta aad hesheen adoo hubinaya ku dhaqankeeda maadama aad gudaneyso waajibaadkaaga maalinlaha ah ee qeybahaaga,” ayuu yiri Maj. Gen. Shume. Wuxuu bogaadiyay la taliyayaasha militariga ee hoostaga UK-MST taageerada AMISOM, maadaama howlgalka uu kusocdo la talin iyo dhisida awooda ciidamada amaanka ee Soomaaliya si waafaqsan Qorshaha Kalaguurka Soomaaliya (STP).
Sarkaal ka tirsan CIMIC, Maj. Emmanuel Owachgiu, oo ka tirsan ciidamada AMISOM ee ka socda Uganda, ayaa sheegay in tababbarka uu ahaa mid faa’iido leh. Tababarkan waxaa si gaar ah loo abaabulay si loo adkeeyo aqoonteenna iyo xirfadaheena ku aadan maaraynta shaqada CIMIC. Waxaan nahay dadka la kulma dadka ku nool meelaha la xoreeyay, marka tababarkan ayaa muhiim noo ah, ”ayuu yiri.