2″ July “2021 ” Friday
Ciidamada Puntland ayaa xaqiijiyay in ay dileen dhowr xubnood oo katirsan Daacishta kadib howl gal ay ka sameeyeen Gobolka Bari.
Bayaan ay soo saareen ciidamada ayay ku sheegeen in dadka la dilay ay miinooyin ku aasayeen Wadooyinka Xamure iyo Bali-dhidin ee gobolka Bari.
Dadka la dilay waxaa ka mid ahaa nin sawir qaade ah oo duubay kolonyo ay la socdeen ciidamada amaanka Puntland oo lala beegsaday qarax miino maalmo ka hor isla markaana lagu sii daayay internetka,
Laamaha ammaanka ee Puntland ma aysan shaacin tirada saxda ah ee la dilay xubnaha Daacish.
Howlgallada ayaa imanaya maalmo kadib markii Wasiirka Amniga Puntland iyo saraakiil kale ay ka badbaadeen weerar miino.
Intii uu hoggaaminayey Cabdulqaadir Muumin, kooxda DAACISH waxaa lagu qiyaasaa inay haystaan ilaa 300 dagaalyahanno firfircoon.
Tan iyo markii la aasaasay, Daesh waxay u badan tahay inay ku guuleysatay inay la wareegto dhul yar oo kooban, oo ku yaal waqooyiga Soomaaliya ee buuraleyda hoose.