Ciidamada Qalabka Sida oo howlgal qorsheysan ku dilay 10 ka tirsan Khawaarijta

12- September-2023

Dowladda Soomaaliya ayaa war ka soo saartay duqeyn maanta Al-Shabaab loogu geystay aagga degmada Ruun-nirgood, taas oo lagu laayey maleeshiyaad badan.

Qoraalkaan oo ay soo saartay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya waxaa lagu sheegay in kooxda la duqeeyey ay dooneysay inay weerarto ciidamada deegaanka ee ku sugan degmada Ruun-nirgood ee gobolka Sh/Dhexe.

“Ciidanka Qaranka iyo Saaxiibada Caalamka ayaa Gumarka Cosobow Cali oo hoos taga degmada Ruundhirgood ee Gobalka Shabeellaha Dhexe ku dilay ku dhowaad 10 ka tirsan Khawaarijta oo doonayay inay weeraraan geesiyaasha dadka deegaanka ee dagaalka kula jira Khawaarijta ee ku sugan degmadaas,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Ciidamadu waxay ku guulaysteen inay fashiliyaan dhagarta Khawaarijta, sidoo kalana ay laayaan maleeshiyaadka ay soo qaldeen iyadoo qof kale uusan khasaaro ka soo gaarin.

犀利士 wp-image-106961″/>

Leave a Reply