Ciidamada Somalia ayaa gacanta ku dhigay Salmaan Daadir oo ah dagaalame ka tirsan AL-Shabaab,

14″ February “2023

Ciidamada xooga dalka gaar ahaan qeybta 21-aad ee milatariga Somalia ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen dagaalame ka tirsan AL-Shabaab, kaaasi oo ay ka qabteen degaan u dhaw Camaara.

Dagaalamaha lasoo bandhigay ayay Saraakiisha Cidiamada Millaterigu sheegeen inuu ahaa madaxii al shabaab u qaabilsanaa qaraxyada iyo caafimaadka. Waxaana magaciisa lagu sheegay Salmaan Daadir

Amaaduulaha guutada 13-aad ee qeybta 21-aad ee ciidanka xooga Gaashaanle Surcad ayaa sheegay iney soo qabteen shaqsigaan asaga gaari ku wada agabka laga sameeyo waxyaabaha qarxa iyo daawooyin Isla markaasna u wado fariisimaha al shabaab ay ku leeyihiin koofurta gobolka mudug.