Gudoomiyaha golaha wakiilada Somaliland oo weerar afka ah ku qaaday Muuse Biixi

February “26” 2023″

Gudoomiyaha golaha wakiilada Somaliland Cabdirisaaq Khaliif oo kamid ahaa dadkii lagu duqeynayay Laascaanood ayaa markii ugu horeysay ka hadlay xaaladda Magaaladaadi.

Guddoomiye Cabdirisaaq ayaa beeniyey sheegashada Somaliland ee ah in ay la dagaalamayaan Argagixiso, ciidamo Puntland iyo kuwa dawlada Faderaalka, wuxuuna kusifeeyey been abuur iyo war aan waxba ka jirin.

Sidoo kale Gudoomiyaha ayaa Madaxweyne Muuse Biixi ku eedeeyey in uu ahaa dagaal huriye, oo uu diiday dadaal kasta oo nabad lagu raadiyey.

Gudoomiyaha golaha wakiilada Somaliland Cabdirisaaq Khaliif ayaa si adag uga hadlay cida uu ku metelo xilika uu ka hayo Somaliland.

“Anigu waxaan metelaa Sool, ma metelo Burco, Hargeysa iyo Gabiley mana ihi nin u shaqeeya sida Wasiir Koore. Xadhig walba oo nabadda lagu xidho waxa furfura Muuse Biixi.” Guddoomiye Cabdirisaq Khaliif.

Gudoomiyaha ayaa dadka deegaanka ugu baaqay in ay is difaaceen oo ay ka hortageen weerar bahalnimo oo ay kusoo qaaday Somaliland, isagoo sheegay in dadku xaq u leeyihiin aayahooda iyo katashigeeda aana cidna qabsi karin, laguna guuldareystay damacii

Ciidamada Somaliland oo ka baxay Laascaanood

Wararka la helayo ayaa sheegaya in arroorn犀利士 imadii hore ee saaka ay ciidanka maamulka Somaliland ay isaga baxeen inta badan aagagii dagaalka ka socday 21 kii maalmood ee lasoo dhaafay ee magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool.

Ciidanka Somaliland ayaa baneeyay guriga gobalka Sool, waxaana durbadii la wareegay ciidanka deegaanka ee SSC, kuwaasi oo guriga ka dejiyay calankii Somaliland, sida lagu arkayay sawirro lagu baahiyay faraha Bulshada.

Illaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Somaliland oo ay uga hadlayaan ka bixitaankooda agagii dagaalka ka socday, Laascaanood ayaa waxaa  shalay ka dhacay dagaal xooggan oo dhaliyey khasaaro aad u farabadan oo dhimasho iyo dhaawac leh.

Ciidanka deegaanka ee SSC ayaa dagaaladii shalay dhacay ku qabsaday Saldhigyo  waaweyn oo ay ku sugnaayeen ciidamada maamulka Somaliland iyo gaadiid nooca dagaalka iyo hub, waxaana ciidankii halkaas joogay ay aadeen degaano kale oo  ka tirsan Gobolka.

Kumanaan kun oo qof ayaa ku barakacay Colaada Laascaanood, kuwaasi oo ay haatan xaalad ku heysato deegaano ka tirsan Gobolka Sool, ma jirto wax xal ah oo laga gaaray dagaalka Laascaanood oo galay todobaadkii saddexaad oo xiriir

Leave a Reply