Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa ATMIS ayaa howlgallo ka fuliyay Bakool

5-October-2023

<壯陽藥 p>Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa ATMIS ayaa waxaa lagu soo warramayaa inay maanTa si wadajir ah howlgallo aad u culus uga sameeyeen qaybo badan oo kamid ah gobolka Bakool ee Koonfur Galbeed Soomaaliya. Dheeho.com

Howlgalladan ayaa waxaa lagu beegsaday deegaano ay ku sugnaayeen Al-Shabaab oo hoostaga degmada Waajid ee gobolkaasi, sida ay shaaciyeen saraakiisha dowladda.

Sidoo kale waxaa howlgalkan qayb ka ahaa guddoomiyaha maamulka degmada Waajid Maxamed Macallin Yuusuf, waxayna ciidamadu ku gaareen deegaanada kala ah Malable iyo Baar oo hoostaga degmadaasi.

Leave a Reply