Ciidamo cusub oo ka mid noqon doona Booliska Soomaaliya ayaa tababar heer sare ah loogu soo xiray dalka Jabuuti

犀利士 mage-123287″/>

Djibouti-2-May-2024″ Ciidamo cusub oo ka mid noqon doona Booliska Soomaaliya ayaa tababar heer sare ah loogu soo xiray dalka Jabuuti

Tababarkaan oo muddo ka socday Dalka Jabuuti ayaa waxaa kaalin ka geystay dowladaha Talyaaniga iyo Jabuuti, ayada oo ciidanka tababarka loo soo xiray ay ka tirsan yihiin Daraawiishta Booliska Soomaaliyeed.

Ciidanka ayaa ah dufcadii 20-aad, sida uu shaaciyay taliska ciidanka booliska Soomaaliyeed.

Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed S/Guuto Sulub Axmed Firin oo maanta ciidankan cusub tababarka u soo xiray ayaa bogaadiyay dadaalka iyo dhabar-adeyga ay muujiyeen mudadii uu socday tababarkaan.

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa sanadihii dambe si weyn loo tayeynayay, ayada oo dhowrkii bilood ee u dambeysay ay soo baxeen dafcado cuusb, oo qaarkood ay tababarka ku qaateen dugsiga tababarrada ciidanka booliska Soomaaliyeed ee Jeneraal Kaahiye.

Ciidankaas ayaa hadda qeyb ka ah booliska Soomaaliyeed, iyagoona ka qeyb qaadanaya dadaalada lagu xakameynayo dhagarta kooxaha argagixisada ay bulshada Soomaaliyeed u soo maleegaan