Ciidamo gadoodsan oo xirtay inta u dhaxeysa isgoyska Jubba iyo madaxtooyada

Ciidamo gadoodsan ayaa maanta waxa ay jareen qaar ka mid ah wadooyinka magaalada Muqdisho.

Ciidamadan gadoodsan ayaa waxa ay ka cabanayaan mushar la’aan, iyagoo sheegay in muddo Saddex bilood ah aysan qaadan xuquuqdii ay lahaayeen.

Ciidamadan ayaa ka tirsan Nabad Sugidda Soomaaliya, waxayna jareen isu-socodka wadada xariirisa taallada Daljirka Dahsoon iyo Isgoyska Jubba.

Mar ay la hadleen waxay sheegeen in ay soo faarujiyeen garoonka diyaaraha degmada Deyniile, halkaas oo ay fariisin ku lahaayeen.

Marar badan ayaa waxaa sidaan oo kale magaalada Muqdisho gadood uga sameeyey ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya, kuwaas oo ka caban jiray xuquuq la’aan.

Leave a Reply