Monday ” 23″ Aug” 2021″ Baldweeyne
Wararka Caawa ka imaanaya Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa ku warraamaya in halkaasi ay ka taagan tahay xaalad kacsanaan ah, iyadoo Ciidamo hubeysan ay la wareegeen Qaybo ka mid ah Magaalada.
Wararku waxaa ay sheegayaan in Ciidamo hubeysan oo la magacbaxay “Badbaadada Gobalka Hiiraan” ay la wareegeen Xarunta looga arrimiyo Magaalada iyo goobo kale oo muhiim ah, waxaana sidoo kale lagu soow arramayaan in Ciidanku ay yihiin kuwo kasoo horjeedo Maadxweynaha Maamulkaaasi Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen, oo la sheegay in uu ku wajahan yahay Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan
Ciidanka Caawa la wareegay Xerada Lamagalaay iyo goobo kale ayaa waxaa la sheegay in ay hoggoominayaa Saraakiil lagu kala Magacaabo Sarkaal lagu magacaabo Cabdullaahi Barre oo dhawaan laga qaaday xil uu ka haayay Milateriga Soomaaliya qeybta 27-aad iyo Nuur Dheere oo isagana dhawaan laga qaaday xilka guddoomiye kuxigeenka Sh Dhexe.
Sidoo kale wararku waxaa ay intaas ku darayaan in u jeedka ugu weyn ee Ciidankaasi ay tahay sidii ay u baajin lahaayeen Safarka Cali Guudlaawe Xuseen Madaxwynaha Maamulka Hirshabeelle, oo Gobolkaasi Hiiraan si weyn maamulkiisa looga diiddan yahay.
Maalmihii ugu dambeeyay waxaa soo baxayay warar sheegayay in ay socoto qaban qaabo iyo dhaqdhaqaaqyo ku aaddan sidii Cali Guudlaawe uu ku tagi lahaa Beledweyne, waxaana Odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka Gobolkaasi ay sheegeen in aysan Marnaba aqbali doonin imaanshaha Madaxweynaha Hirshabeelle ee Magaalada Beledweyne