Ciidamo gurmad ah oo wata gaadiid dagaal iyo hub culus ayaa gaaray deegaanada SSC iyo

10″ Mar”2023″

Ciidamo gurmad ah oo wata gaadiid dagaal iyo hub culus Islamarkaana taageeraya go,aanka garaadada ee diidan kala gooynta somalia ayaa gaaray deegaanada SSC iyo

Wararka naga soo gaaraya magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa sheegaya in ciidamo fara badan oo gurmad u ah kuwa deegaanka ee SSC ay saacadihii u dambeeyay gaareen halkaasi.

Ciidamadan ayaa la sheegay inay markii hore kasoo kicitameen deegaano iyo degmooyin ka kala tirsan gobollada Sool iyo Bari, waxayna wataan gaadiidka dagaalka iyo hub culus, sida ay sheegeen dadka deegaanka

Isimida dhaqanka ee beelaha SSC ayaa markale ka hadlay dagaalka magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, iyaga oo shee犀利士 gay in xilligaan uu wada-hadal suurtagal aheyn in lala galo xukuumadda Somaliland.

Ciidamada dheeraadka ah ee maanta gaaray Laascaanood ayaa ah kuwo hab beeleed u abaabulan, ayaga oo saacadaha soo socda gaari doona furimaha dagaalka ee duleedka magaaladaasi.

Arrintan ayaa imaneysa xilli deganaan laga dareemayay xaaladda magaalada Laascaanood iyo deegaanada ku dhow, inkasta oo laga cabsi qabo in dhinacyada isku horfadhiya halkaasi ay markale dagaalamaan.

Garaadada SSC oo war kasoo saaray DAGAALKA magaalada Laascaanood

Garaad Mukhtaar Garaad Cali oo kamid ah Isimida SSC ayaa waxa uu soo jeediyay in ciidamada Somaliland la geeyo Oog, si ay wax uun uga dhaqaaqan dadaallada nabadeed ee ay wado Itoobiya, oo uu sheegay in Isimidadooda ay soo dhaweynayaan

Markasta oo (Somaliland) ay isticmaalaan kalmada ‘xabad joojin’ xagan macno ayay noo leedahay, waa dagaal ayaanu soo qaadanaynaaye diyaar garooba, markasta oo kalmadaasi kasoo dhacdo xagoodana duulaan ayaa soo socda,” ayuu yiri Garaad Cali.

Garaadka ayaa sheegay in dhankooda ay soo dhaweynayaan xabad joojin dhab ah, islamarkaana ay aqbaleen dhex-dhexaadinta Itoobiya, balse aan wada-hadal iyo xabad joojin rasmi ah dhaqan-geli karin illaa inta ciidamada Somaliland laga saarayo gobolka

Xabad joojin ma dhici karto meel nagula hareeraysan yahay oo waddooyinka naga xiran yihiin, dhashiikooyinka iyo xabadooda ay maalin kasta nasoo gaari karto. Sidaas kaliya oo kaliya ayaa ku aamini karnaa in dadkayagu badbaadi karayaan oo markaas ayaa u jeesan karna wada-hadal iyo wixii kale ee tallaaba ku xigta.” ayuu yiri.

Garaad Mukhtaar Garaad Cali ayaa sidoo kale waxa uu caddeeyay in xilligaan ay suurta-gal aheyn in ciidamada deegaanka SSC iyo kuwa kale ee ku sugan Laascaanood ay ka baxaan gobolka, ayada oo ciidamada Somaliland ay weli joogaan gobolka

Xukuumadda Somaliland ayaa hore u dalbatay in xoogaga Laascaanood kula dagaalamayaa ay ka baxaan magaalada, halka garaadada dhankoodu ay rabaan in ciidamada Somaliland ay ka baxaan deegaanadooda, taasi oo sii adkeynaysa in waqti dhaw xal laga gaaro xiisadda u dhaxeysa labada dhinac.

Leave a Reply